Warar 

Muuse Biixi: ”Soomaaliya waa dalka kaliya ee aqoonsigeena ka soo horjeeda”

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo xalay khudbad jeedinayay ayaa sheegay in dowladda keliya ee kasoo horjeeda qaranimada Soomaaliland ay tahay dowladda Xamar ka dhisan.

“Maanta dalalka boqol iyo dhowr iyo sagaashanka dowladood ee aduunka jira dowladda qudha ah ee aan ogleyn ee ka soo horjeeda qaranimada Soomaaliland waa dowladda Xamar ka dhisan ee watigeeda dhamaaday,” ayuu yiri Mr Biixi.

Madaxwayne Biixi ayaa farta ku fiiqay in Somaaliland ay doonayso in caalamka oo dhan nabad ay kula noolaato.

“Somaliland haddii aanu nahay waxaanu leenahay Soomaaliya iska dhaaf ee sanku-neeflaha aduunka oo dhan baanu rabnaa inaanu dhexdiisa aanu nabad ku wada noolaano,” ayuu intaa ku daray.

Mr Biixi ayaa xalay hadalkaasi ka sheegay xaflad lagu xusayay sanad- guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Somaliland.

Warar kale oo la xiriira