Warar 

Haweenka ku nool Muqdishu “Mudane saxiix heshiiska 17 September si loo badbaadiyo dalka”

Haweenka ku nool magaalada Muqdishu oo xalay shir ku yeeshay xarunta golaha murtida iyo madadaaladda ee tiyaatarka Qaranka, ayaa ugu baaqay madaxda siyaasadda Soomaaliya in ay saxiixaan hir-gelinta heshiiska 17- September oo loo ballansanyahay maanta oo khamiis ah.

Shirka oo xalay ay ka qeyb-galeen boqolaal haween ah, ayaa halku-dhigiisu ahaa baaqa haweenka Soomaaliyeed ee ku aadan shirka wadda-tashiga doorashooyinka Soomaaliya.

Haweenka ayaa cod wada jir ah ku sheegay in shuruud la’aan la saxiixo heshiiska, isla markaana wax walba oo tabasha ah xal laga gaaro. “Mudane saxiix Somaaliya ha badbaado”.

Dhinaca kale marwada koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallim, ayaa xalay kulan casho sharaf ah la qaadatay Guddoomiyeyaasha Ururrada Haweenka 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta doorka ay haweenka ku leeyihiin dowladnimada, dardar-gelinta adeegyada aas-aasiga ah ee hooyada iyo dhallaanka, dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta midnimada dadka Soomaaliyeed.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira