Warar 

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland oo ku geeriyooday Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dowlad goboleedka Puntland Cabdi samad Cali Shire, ayaa maanta oo khamiis ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Marxuumka oo shalay la keenay magaalada Muqdishu, ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanayay magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Dowladdii Cabdiraxmaan Faroole, ayuu kazoo noqday madaxweyne ku-xigeen intii u dhexeysay 8 January 2009- 8 January 2014.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira