Warar 

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo Muqdishu kusoo dhoweeyay madaxweynaha Koonfur-Galbeed

Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka iyo wasiiro ayaa maanta magaalada Muqdishu kusoo dhoweeyay wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

Madaxweynaha ayaa magaalada u yimid ka qeyb-galka shirka arrimaha doorashooyinka Qaran oo maanta ka furmi doono caasimadda.

“Waxaan filayaa in shirka ay kasoo bixi doonaan qodobo muhiim ah oo ku saabsan doorashooyinka, heshiina laga gaari doono arrimaha la isku hayo”, ayuu yiri mudane Lafta Gareen.

Warar kale oo la xiriira