Warar 

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta oo kulan looga hadlay doorashada la yeeshay madaxweyne Laftagareen

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan looga hadlayay shirka arrimaha doorashooyinka la yeeshay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen.

Dhammaan kulamadii ka dhacay caasimada shalay ilaa maanta ayaa looga hadlayaa shirka wada-tashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka oo maanta ka furmaya magaalada Muqdishu.

Shirka oo rajo wanaagsan laga muujinayo ayaa looga hadli doonaa khilaafka hareeyay heshiiskii 17-ka September iyo qodobadii kasoo baxay shirkii Baydhabo.

Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, ayaa shir-guddoomin doona kulanka oo ka dhacaya Afisyoone oo ah halkii ay caadiyan ka dhacayeen kulamadii u dambeeyay.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira

Leave a Comment