Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Guddiga Arimaha Bulshada ee Baarlamaanka Puntland oo ka qeyb-galay munaasibadda furitaanka imtixaanka shahaadiga

Guddoomiyaha Guddiga Arimaha Bulshada iyo Dhaqanka ee Golaha Wakiilladda DPL Xildhibaan Cabdicasiis Axmed Saalax, ayaa maanta ka qeyb-galay munaasibadda furitaanka imtixaanka shahaadiga ah oo uu si rasmi ah dugsiga sare ee Gambool uga furay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Dhinaca kale munaasabada waxaa ka qeyb-galay wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee DPL Cabdullaahi Maxamed Xassan.

Guddoomiyaha Guddiga Arimaha Bulshada iyo Dhaqanka ee Golaha Wakiilladda DPL Xildhibaan Cabdicasiis Axmed Saalax ayaa Hambalyo iyo Boggaadin u diray Ardayda maanta u fariistay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dawladda Puntland isaga oo Alle uga baryay inuu Imtixaanka u fududeeyo.

Maanta ayaa guud ahaan Puntland looga fariistay imtixaanka shahaadiga kaas oo ay ka qeyb-galayaan ku dhawaad 17,735 kuwaasoo 5,708 kamid ah ay yihiin dugsiga sare fasalka 12-aad, halka 12,027 ay yihiin fasalka 8-aad.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira