Warar 

Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka oo maanta ka furmaya Muqdisho

Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka, ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdishu, waxaana ka qeyb-galaya madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul-goboleedyadda.

Shirka oo rajo wanaagsan laga muujinayo ayaa looga hadli doonaa khilaafka hareeyay heshiiskii 17-ka September iyo qodobadii kasoo baxay shirkii Baydhabo.

Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, ayaa shir-guddoomin doona kulanka oo ka dhacaya Afisyoone oo ah halkii ay caadiyan ka dhacayeen kulamadii u dambeeyay.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira

Leave a Comment