Baarlamaanka 

Kulan aqoon-isweydaarsi ah oo maanta loo furay xildhibaano iyo hawl-wadeenno ka tirsan Baarlamaanka Puntland

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, ayaa maanta furay kulan aqoon-isweydarsi ah, kaas oo ay ka qeyb galeen Xildhibaano iyo hawl-wadeenno ka tirsan Golaha Wakiillada.

Kulankan oo ay qabatay hay’adda MAX PLANCK Foundation, ayaa lagu baranayey doorka xeer-dejinta, waxaana is-barbar dhig lagu sameeyay dhammaan dastuuradda dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federalka ee Soomaaliya iyo dalal badan oo aduunka ah.

Guddoomiyaha ayaa ugu horayn uga mahadceliyey hay’adda MAX PLANCK Foundation, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in laga faa’iidaysto.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira

Leave a Comment