Warar 

Shirka golaha wada-tashiga Qaran ee arrrimaha doorashooyinka oo manta galay maalintii labaad

Shirka golaha wada-tashiga ee arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul-goboleedyadda ayaa maanta galay maalintii labaad.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay in shirka uu ku bilowday si wanaagsan, ayna ka rajeynayaan in uu kusoo dhammaado guul, taas oo dan u ah masiirka dalka.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Mucalimow, ayaa beeniyay in kulankii furitaanka lagu gaaray heshiis hor-u-dhac ah.

“Wararka qaar ee leysla dhexmarayo ee sheegaya in ay jiraan qodobo lagu hishiiyay isla maalinka furitaanka Shirka Wadatashiga Arimaha Doorashooyinka ee uu shir guddoominayay Ra’isul Wasaare Rooble waa been abuur aan sal iyo raad toona laheyn. Shirka jawi wanaagsan ayuu ku bilowday wuuna sii socon doonaa inshallah” ayuu yidhi Afhayeenka XFS, Mucalimow.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira