Warar 

Guddiga Qaran ee amniga doorashooyinka dalka oo Muqdishu ku yeeshay kulan looga hadlay sugida amniga

Taliyaha guud ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa shalay shir guddoominayay shirka guddiga Qaran ee amniga doorashooyinka Soomaaliya.

Shirka ayaa diiradda saaray dardar-gelinta hawlaha hor-tebinta u leh sugidda amniga doorashooyinka Qaranka.

“Waxa aan maanta guddoomiyey shirka Guddiga Qaran ee Amniga Doorashooyinka, kaas oo looga hadlayey dardar gelinta hawlaha hor-tebinta u leh sugidda amniga doorashooyinka si dalka ay uga qabsoonto doorasho ku dhacda jewi nabdoon,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Dhinaca kale shirka golaha wada-tashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamul goboleedyadda iyo gobolka Banaadir ayaa maalintii saddexaad galay.

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo shir-guddoominaya kulanka ayaa sheegay in shirka uu u socdo si caadi ah, isaga oo ka rajeeyay natiijo wax ku ool ah.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira

Leave a Comment