Baarlamaanka 

Guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada iyo xubnaha guddiga oo ka shiray diyaargarawga furritaanka Kalfadhiga 48-aad

Guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada iyo dhaqanka Golaha Wakiillada DPL Xil. Mudane, Cabdicasiis Axmed Saalax, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan gaar ah oo ay yeesheen xubnaha guddiga.

Kulanka guddiga ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay xoghaye guud ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Xiddig Warsame, ku-xigeenka xoghayaha guud ahna agaasimaha maamulka & maaliyadda mudane, Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Maxamed ( Cadnaan) iyo agaasimaha guddiyada mudane, Cabdalle Axmed Kulumbo, waxaana looga hadlay qorshayaasha shaqo, la socoshada shaqooyinka guddiga iyo weliba diyaargarawga furritaanka Kalfadhiga 48-aad oo ku mudaysan June 15, 2021.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira

Leave a Comment