Warar 

Maalintii saddexaad ee shirka golaha wada-tashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka?

Shirka golaha wada-tashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamul goboleedyadda iyo gobolka Banaadir ayaa maalintii saddexaad galay.

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo shir-guddoominaya kulanka ayaa sheegay in shirka uu u socdo si caadi ah, isaga oo ka rajeeyay natiijo wax ku ool ah.

Shirka ayaa shalay diirada lagu saaray ka doodista qodobbada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, waxaana laga sameeyay horumar wanaagsan.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira

Leave a Comment