Warar 

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo maanta ka shiray arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka shiraya arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka, xaaladda COVID-19, amniga iyo arrimaha gar-gaarka bani’aadminimada.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay James Swan iyo madaxa AMISOM Francisco Madeira, ayaa warbixin ku saabsan xaaladda dalka siin doona Golaha Ammaanka.

Fadhiga Golaha uu kaga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa imaanaya xili shirka wada-tashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka ee ka socda Muqdishu uu maanta galay maalintiisii afaraad, iyadoo ay jirto rajo ah inuu shirka heshiis lagu gaaro.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira

Leave a Comment