Baarlamaanka 

“Kulan dhex-maray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare is-afgarad ku soo dhammaaday”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, ayaa shalay Muqdishu ku yeeshay kulan ay uga hadleen arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan kuraasta Gobolada Waqooyi iyo sida loo maamulayo.

Maxamed Ibraahin Nuur oo ah afhayeenka Xukuumadda ayaa kulankaasi kaddib sheegay in labada masuul uu kulankooda kusoo dhammaaday is-afgarad.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is-afgarad ku soo dhammaaday oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.”

“Tani waxa ay qeyb ka tahay dadaallada Ra’isul Wasaare Mohamed Hussein Roble uu ku doonayo in dhamaan saamileyda siyaasadda in taladooda ay ku biiriyaan geedi socodka dhameystirka Hishiiskii 17ka Septeembar oo aasaas u ah shirka Qaran ee soconaya lana filayo in lagu heshiiyo.” ayuu yiri Macalimuu.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira

Leave a Comment