Warar 

Ergayga QM ee Soomaaliya oo sheegay inay muhim tahay in la gaaro heshiis ku saabsan in doorasho si dhaqsi ah loo qabto

James Swan, Ergayga Gaarka ah ee QM ee Somalia ahna Madaxa Xafiiska UNSOM, ayaa sheegay inay muhim tahay in la gaaro heshiis ku saabsan in doorasho loo qabto sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Heshiis noocan ah la’aantii, samadoonnimada iyo daacadnimada lagu dhaqan gelinayo, guulihii sanadihii dambe la gaarayey way khasaari kari lahaayeen, taasoo keeni kartey amaan iyo xasillooni darro dheeraad ah”, ayuu ka digey.

Mudane Swan ayaa sheegay in wada hadalladii DF Somalia iyo Maamul-goboleedyada ee bilowday bishii Maarso, ay si laga shallaayo u burbureen horraantii Abriil.

Hassan Istiilla
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira

Leave a Comment