Warar 

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay haweenka ururada bulshada rayidka oo ay hoggaamineyso wasiirka haweenka

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, ayaa xalay kulan la qaatay qaar kamid ah haweenka ururada bulshada riyadka oo ay hoggaamineysay wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdishu ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Xiis Xasan Aadan, xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir Basmo Caamir Jakeeti, guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Jawaahir Baarqab iyo qaar ka mid ururada bulshada rayidka.

Kulanka ayaa looga hadlay xaqiijinta qoonddada haweenka 30% iyo sidii maamulka Galmudug ugu garab istaagi lahaa haweenka marka la gaaro doorashadda soo socota.

Madaxweynaha Galmudug ayaa soo dhaweeyay dadaallada ay hormuudka ka tahay wasiir Xaniifa oo la doonayo in lagu adkeeyo, isla markaana lagu xaqiijinayo doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku yeelanayaan doorashada loo madlan yahay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo gelinkii dambe ee shalay galab khudbad u jeedinayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in heshiis laga gaaray arrimaha doorashooyinka.

Dhinaca kale afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Mucalimu ayaa shaaciyay in maalinta Khamiista ah la qabanayo xaflad weyn oo lagu saxiixayo heshiiska lagu gaaray shirkii Muqdisho socday maalmihii lasoo dhaafay.

Hassan Istiilla
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira

Leave a Comment