Warar 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka tacsiyadeeyay geerida majaajiliiste Sooraan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee majaajiliiste Sooraan Ismaaciil Sugulle, oo maanta ku geeryooday magaalada Burco.

Marxuumka wuxuu sidoo kale ahaa Abwaan iyo jilaa ay Soomaalidu aad u daawan jireen muuqaalladiisa.

“Eebbe ha u naxariisto hal abuurkii, fannaankii iyo jilaagii weynaa ee Sooraan Ismaaciil Sugulle oo ku geeriyooday Burco. Sooraan waxa uu ka mid ahaa hal abuurrada sida weyn uga qeyb qaatay wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed fankiisa iyo sheekooyinkiisuna ahaayeen kuwo farriin xambaarsan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble

Sooraan wuxuu caan ku ahaa sheekooyin ay inta badan isla soo jili jireen Abwaan Jawaan oo ay saaxiibo ahaayeen. In muddo ah ayuu abwaanku xanuunsanaa, waxaana dhowr jeer oo hore si been abuur ah loo shaaciyay inuu dhintay.

Hassan Istiilla
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira

Leave a Comment