Warar 

Wasiirka arrimaha dibadda oo golaha ammaanka u sheegay in heshiis laga gaaray arrimaha doorashooyinka Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo gelinkii dambe ee shalay khudbad u jeedinayay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in heshiis laga gaaray arrimaha doorashooyinka ee waddanka.

Wasiirka ayaa sheegay in mabda’ ahaan ay dhinacyada ku heshiiyeen saddexda qodob ee uu muranka ka taagnaa, iyadoo war murtiyeedka heshiiskana la soo saari doono Khamiista soo socota.

Dhinaca kale afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Mucalimu ayaa shaaciyay in maalinta Khamiista ah la qabanayo xaflad weyn oo lagu saxiixayo heshiiska lagu gaaray shirkii Muqdisho socday maalmihii lasoo dhaafay.

Hassan Istiilla
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira

Leave a Comment