Baarlamaanka 

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Puntland 18 kun oo dollar ku wareejiyay guddiga xallinta shaqaaqo ka dhacday miyiga

Xildhibaan Axmed-daad Jaamac Diiriye, Xildhibaan Faysal Cumar Maxamed ( Geesdir) iyo Xildhibaan Faarax Khaliif Cilmi oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa lacag dhan $18.000.00 dollar ku wareejiyey guddiga xallinta shaqaaqo horay uga dhacday miyiga degmadda Isku-shuban ee Gobolka Bari, taas oo ay kala qeyb-qaateen Golaha Wakiillada.

Xildhibaanada ayaa horay uga balan-qaaday inay dhankooda diyaar u yihiin sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen dhaqaale loo qorsheyay xal ka gaarista shaqaaqadaas, waxaana wareejinta maanta dhaqaalaha kala qeyb-galay Guddoonka Gobolka Karkaar iyo qaar ka mid ah waxgaradka degaanka Qardho.

Hassan Istiilla
Mogadishu, Somalia

 

Warar kale oo la xiriira

Leave a Comment