Warar 

Guddoomiyaha dhalinyarada gobolka Benadir oo sheegay in rajo ka qabaan in xildhibaanno badan oo dhallinyaro ay soo bixi doonaan

Guddoomiyaha dhalinyarada gobolka Benadir mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan, oo maanta ka qeyb-galaya munaasabadda xeritaanka shirka golaha wada-tashiga qaran ee arrimaha doorashooyinka, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay rajo wanaagsan ka qabaan doorashooyinka soo socda.

“Dowladda mudane Farmaajo waa dowladdii ugu horreysay ee fursad wanaagsan siiyay dhallinyaradda, waxaan filayaa in dhallinyaro badan oo xildhibaanno ay ay sannadkan soo bixi doonaan” ayuu yiri Makaraan.

Xeritaanka waxaa kasoo qeyb-gali doono madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, xubno ka tirsan musharraxiinta mucaaradka iyo wakiilo ka socda beesha caalamka.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira

Leave a Comment