Warar 

Qaar kamid ah haweenka ururada bulshada rayidka oo kulan la yeeshay madaxweynaha koonfur-Galbeed

Qaar kamid ah haweenka ururada bulshada rayidka oo ay hoggaamineyso wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee XF Soomaaliya Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim, ayaa xalay kulan la yeelatay madaxweynaha maamulka koofur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Kulanka oo ahaa mid ballaaran ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya,  guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Banaadir, Ururrada Haweenka Qaranka, kan gobolka, Ururrada bulshada rayidka iyo xubno kale.

Shirka ayaa looga hadlay xaqiijinta qoonddada haweenka 30% ee doorashada soo socota, waxaana Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu xusay in marwaliba diyaar u yahay sidii u ilaalin lahaa Qoondada Haweenka Soomaaliyeed.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira

Leave a Comment