Warar 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta tababar afar maalmood ah u furay gudiyadda doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta tababar soconaya muddo afar maalmood ah u furay guddiyada doorashooyinka heer federal iyo heer dawlad-gobolleed. Mudane Rooble ayaa gudiyadda kula dar-daarmay in ay si daah-furan oo caddaalad ah u maamulaan hawlaha doorashooyinka ee loo igmaday. Doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka, ayaa loo asteeyey mudada u dhaxeyso 10-ka August illaa iyo 10-ka September, 2021-ka. Doorashada sida weyn loogga wada sugayo ee Madaxweynaha ayey hoggaamiyeyaashu ku heshiiyeen iney qabsoonto 10-ka October, 2021-ka. Hassan Istiila Mogadishu, Somalia

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Madaxda maamul-gobolleedyada iyo qaar kamid ah musharraxiinta oo kulan casho ah loogu sameeyay Muqdishu

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa xalay casho sharaf ah u sameeyay madaxdii kala qeyb gashay shirkii golaha wadatashiga Qaran ee ka dhacay Muqdisho. Masuuliyiinta munaasabadan cashada ah ka qeyb galay waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Denni, Madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdicasiis Maxamed Laftagareen iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Dhinaca kale waxaa kulanka cashada ah ka qeyb-galay xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo soo saaray habraaca cusub ee doorashooyinka

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta soo saaray habraaca jadwalka cusub ee doorashooyinka Soomaaliya. Halkan ka akhriso: Habraaca Doorashadda Tababarka iyo Doorashadda Guddoonka Gudiyada Doorashadda ( 30 June – 05 July 2021) Doorashada Aqalka Sare (25 July 2021) Diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada ( 23 July 2021) Soo xulista iyo diyaarinta Ergooyinka Doorashadda (15 July – 10- August 2021) Doorashadda Xildhibaanada Doorashadda Golaha Shacabka JFS (10 August – 10 September 2021) Dhaarinta Xildhibaanada iyo Doorashadda Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS (20 September 2021) Doorashadda Madaxweynaha JFS (10 October 2021) Go’aamada…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Gabdhaha musharraxiinta ee gobolka Mudug oo heysta fursad aysan heysanin gabdhaha kale ee doonaya u tar-tamida baarlamaanka federaalka

Qiyaas ahaan shan ilaa iyo toban gabdhood oo dhallinyaro ah oo deeggaan doorashadoodu ay tahay gobolka Mudug ee Puntland, ayaa sannadkan la filayaa in ay u tartamaan kuraasta xildhibaannada baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya. Caqabadaha dumarka ka heysta u tar-tamida baarlamaanka aad ayey u badanyihiin balse Ururka Haweenka Gobolka Mudug, ayaa taageero nooceeda aan horay loo arag u fidinaya gabdhaha musharraxiinta, taageerada noocan ah ma heysaan gabdhaha kale ee lamidka ah kuwa Mudug ee ka soo tar-tami doona gobollada kale ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Odayaasha dhaqanka ayaa saameyn weyn ku lahaa doorashooyinka…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay soo jeedinta mooshin ku saabsan wax-ka-bedelka xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland mudane Cabdiirashid Yuusuf Jibriil, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 8-aad  ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada DPL, iyadoona kulanka ay la shir-guddoominayeen guddoomiye ku-xigeenka  1-aad mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame. Guddiga Shuruucda iyo Caddaaladda, ayaa maanta soo jeediyay mooshin ku saabsan in wax-ka-bedel lagu sameeyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, xildhibaannada ayaana ugu dambeyn ku taageeray cod aqbaliyad ah oo 41 mudane ku oggolaadeen, halka hal 1 mudane diidey, ayna ka aamuseen labo 2 mudane. Xidlhibaanno gaaraya 44 mudane ayaa fadhigii maanta…

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Shirka Golaha wadatashiga Qaran oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdishu, iyadoona looga hadlayo dar-dargelinta howlaha doorashooyinka iyo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii 27-kii May ee hannaanka doorashooyinka dalka. Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir-guddoominaya kulanka, waxaana ka qeyb-galaya madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Koonfur galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud Filish iyo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo dalka ka maqan oo…

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Ra’iisal wasaare Rooble iyo Cali Guudlaawe oo is af-garad ka gaaray tabashadii uu qabay maamulka Hirshabelle

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa is af-garad ka gaaray tabashadii uu maamulka Hirshabelle ka qabay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa shirka maanta furmaya uga qeyb galaya aaladda fogaan aragga ee ZOOM. Shirka ayaa looga hadli doonaa dar-dargelinta howlaha doorashooyinka iyo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii 27-kii May ee hannaanka doorashooyinka dalka ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho. Hassan Istiila Mogadishu, Somalia

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Maamulka Hirshabelle oo diiday ka qeyb-galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho

Maamulka Hirshabelle oo maanta soo saaray war-saxaafadeed ayaa caddeeyay in uusan ka qeyb-geli doonin shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu dhawaan ku baaqay Ra’iisul Wasaare Roble. Maamulka ayaa diidmadiisa ku sababeeyay in aan lagala tashan shirka iyo arrimihiisa, sidaasi awgeedna uusan quseynin wixii shirka kasoo baxa. Ra’iisul Wasaare Rooble ilaa iyo hadda kama uusan hadlin cabashada maamulka kazoo yeeray.

Akhriso Faahfaahinta