Warar 

Madaxweynaha Jubaland iyo wakiilka QM oo ka wadahadlay arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay wakiilka gaarka ah ee xoghaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.

Wafdiga sidoo kale waxaa kamid ahaa wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira, xubno ka socday Midowga Yurub iyo urur goboleedka IGAD.

Kulanka ayaa qeyb kamid ah looga hadlay xaaladda dalka iyo arimaha doorashooyinka. Dhinacyada ayaa sidoo kale amaanay muhiimada joogteynta kulamada iyo wadatashiyada la xiriira arrimaha Doorashooyinka.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira