Warar 

Madaxweynaha Galmudug oo magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo wakiilka QM

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay wakiilka gaarka ah ee xoghaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.

Sidoo kale waxaa wafdiga kamid ahaa wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, xubno ka socday Midowga Yurub iyo urur goboleedka IGAD.

Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka iyo dar-dargelinta howlaha ugu muhiimsan ee dalka.

Warar kale oo la xiriira