Baarlamaanka 

Xildhibaannada baarlamaanka Puntland oo maanta loo qeybiyay ajandaha rasmiga ee Kalfadhiga 48-aad

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane, Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 48-aad Golaha Wakiillada DPL.

Xildhibaannada ayaa maanta loo qaybiyey ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 48-aad, si waafaqsan qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad ee xeer hoosaadka Golaha Wakiillada, kaas oo ay soo diyaariyeen shir-gddoonka baarlamanka.

Warbixinta guddiga joogtada ah ee Kalfadhiga 48-aad, ayaa sidoo kale laga hor akhriyay golaha, warbixintaas oo ku saabsanayd waxqabadka guddiga joogtada ah ee muddadii u dhaxeysay labada kalfadhi.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira