Baarlamaanka 

Baarlamaanka Puntland oo magacaabaya guddiga doorashada xubnaha Aqalka Sare

Xildhibaannada baarlamaanka Puntland oo maanta ka soo laabanaya fasaxa Ciida, ayaa lagu wadaa in inuu magacaabo guddiga qabanaya doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka. Baarlamaanka ayaa maanta yeelanaya fadhiga 16aad ee kalfadhiga 48aad, kaas oo ajandihiisa uu yahay magacaabida guddi ka kooban 9 xildhibaan oo qaabilsan qabashada doorashada xubnaha Aqalka Sare. Dhinaca kale madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa maanta la filayaa inuu dib ugu laabto Garowe, kaddib safaro uu ku tagay Imaaraadka Carabta iyo Kenya. Hassan Istiila Mogadishu, Somalia

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Akhriso: Habraaca doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Guddiga Doorashoyinka Soomaaliya ayaa soo saaray habraaca doorashada xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka, shuruudaha, warqada anshaxa musharaxiinta u tartami doona Aqalka Sare iyo lambarada Bangiyada lagu shubayo khidmada laga doonayo musharaxa. Shuruudaha laga doonayo Musharaxa Aqalka Sare ayaa waxaa kamid ah; 1 – In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Fcderaalka Soomaaliya 2 – In Dhimirkiisu taam yahay, 3 – In da’diisu aysan ka yarayn 25 sano 4 – In aan xuquuuqdiisa muwaadinnimo go’aan maxkamadceed lagu hakin shanti (5) nano ee ugu danbeysay. 5 – Inuu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi…

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Madaxweyne Farmaajo oo ugu baaqay Soomaalidda in ay is kaalmeeyaan munaasabadda ciidda carafe awgeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan Ciidda Carafo u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Caalamka ee u dabbaal-degaya farxadda Ciiddan. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey dadka Soomaaliyeed in ay is kaalmeeyaan, kana shaqeeyaan danta guud oo amnigu uu ugu horreeyo. “Waxaan ku boorrinayaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan xujeyda Soomaaliyeed ee qorshaynayey sannadkan in ay gutaan rukniga xajka ay beddelkiisa ku dadaalaan bixinta sadaqada iyo kaalmaynta dadka danyarta ah oo iyaduba ka mid ah acmaasha ugu wanaagsan ee Rabbi loogu dhawaado.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa…

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Madaxweyne farmaajo oo munaasabada farxadda ciidda la qaatay cubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta farxadda Ciidda Carafo la qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku dhiirri-geliyey sida nafhurnimada leh ee ay ugu taagan yihiin difaaca dalkooda iyo ilaalinta karaamada dadkooda. Madaxweynaha ayaa sheegay in geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee u istaagay xoreynta dalka iyo ciribtirka arxanlaaweyaasha argagixisada ah ee Alshabaab ay taariikhdu xusi doonto, maadaama ay u soo dhabar adaygeen duruufo adag si ay u samatabixiyaan dalkooda. “Waxaad tihiin Ciidan Qaran oo u taagan difaaca dalka, dib u soo noolaynta dawladnimada iyo…

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Golaha Midowga Musharaxiinta oo walaac xooggan ka muujiyay in doorashada ay ku dhacdo xilligeeda

Golaha Midowga Musharaxiinta oo xalay shir ugu soo dhammaaday magaalada Muqidishu, ayaa walaac xooggan ka muujiyay in doorasho xor iyo xalaal ah ay ku qabsoonto waqtigii loo asteeyay. Golaha oo soo saaray war-saxaafadeed ayaa sheegay in ay wali taaganyihiin shan caqabad oo dib-u-dhigi kara doorashadda, iyagoona ku sababeeyay walaaca ay ka qabaan doorashada arrimo ay ka mid yihiin; -kala qeybsanaanta ka jirta guddiyada gobolada Waqooyi ee labada garab ah. -Xaalada gobolka Gedo oo ay ku tilmaameen inaan weli heshiis laga gaarin. -Caqabadaha amni ee ka taagan gobolka Hiiraan. -Dhaqaalihii doorashada…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Baarlamaanka Jubnaland oo magacaabay guddiga doorashada Aqalka Sare iyo safiirka Midowga Yurub oo ammaanay

Guddoomiyaha golaha wakiillada Jubaland Cabdi Maxamad Cabdiraxmaan, ayaa magacaabay guddiga doorashada xubnaha u tartamaya Aqalka Sare ee barlamaanka federaalka. Guddiga ayaa ka kooban sagaal xildhibaan oo labo kamid ah yihiin gabdho, waxaana ay ka shaqeyn doonaan sidii waqtigeeda ay ugu qabsoomi lahayd tartanka sideeda kursi ee Jubaland ku leedahay Aqalka Sare. Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga, ayaa ammaanay maamulka Jubbaland sida ay u bilaabeen howlaha doorashooyinka, isagoonna rajeeyay in maamuladda kale ay bilaabi doonaan. Dhinaca kale madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta xarunta madaxtooyada Jubbaland…

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo la kulmay guddiga amniga doorashooyinka

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) Maxamed Xasan Cirro ayaa xalay kulan diiradda lagu saarayay sugidda iyo xaqiijinta amniga doorashooyinka la qaatay Guddiga Amniga Doorashooyinka heer Qaran. Kulanka oo uu shir-guddoominayay taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan (Xijaar), ayaa muhiimadiisu ahaa sidii dalka ay uga dhici lahayd doorashooyin xor iyo xalaal ah oo nabdoon iyo sidii loogu diyaar-garoobi lahaa sugidda amniga doorashooyinka dalka. Hassan Istiila Mogadishu, Somalia

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Guddiga xalinta khilafaadka arrimaha doorashooyinka ee gobolka Gedo oo warbixin siiyay madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay guddiga xalinta khilafaadka arrimaha doorashooyinka ee gobolka Gedo. Guddiga oo ah guddi heer-wasiirro oo ka kala socda dowladd-gobolleedyada dalka sida Puntland, Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed ayaa madaxweyne ku-xigeenka warbixin ka siiyay xaaladda gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Garbahaarey oo ay ku sugnaayeen afartii casho ee la soo dhaafay, halkaasi oo ay ka wadeen xal u raadinta iyo dib-u-hishiisiin laga hirgaliyey gobolka. Dhinaca kale madaxweyne ku-xigeenka iyo guddiga xalinta khilafaadka ayaa la kulmay masuuliyiin ka tirsan labada…

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay wakiillada Midowga Yurub iyo Norway

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa manta xafiiskiisa kulamo goonni-goonni ah kula yeeshay danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga iyo ergayga gaarka ah ee Norway Heidi Elburgi Johansen. Ra’iisul wasaaraha iyo danjireyaasha ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Rooble. Doorashada aqalka sare oo u soo horreysa doorashooyinka dalka ayaa la filayaa in ay dhacaan 25-ka bishan.

Akhriso Faahfaahinta
Falanqeyn 

Galmudug sii Xasilayso: Miisaaniyadda ayaa korortay ku dhowaad 60% sanadkan 2021

Dabayaaqadii bishii Juun, dowladda Galmudug waxay soo bandhigtay miisaaniyadda sanadka 2021 oo gaareysa US$ 27 milyan oo doollar. Miisaaniyaddani oo ahayd tii ugu badanayd abid, ayaa u dhigantaa koror 58% marki loo eego tii sanadki 2020. Ka dib dhowr sano oo koror yar oo joogto ahi, marka laga reebo hoos u dhaca sanadki 2019, Galmudug ayaa labadii sano ee la soo dhaafay diiwaan gelisay koror miisaaniyadeed oo aad u ballaaran. Waa Maxay Miisaaniyadda? Sanad kasta dowladaha maamul goboleedyada iyo tan federaalka waxay soo saaraan qorsheyaal lagu qoondeeyo maalgelinta adeegyada iyo…

Akhriso Faahfaahinta