Warar 

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada oo doortay guddoomiye ku-meel-gaar ah

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Heer Federaal oo yeeshay kulankoodii koowaad, ayaa Cabdullaahi Abyan Nuur u doortay guddoomiye ku-meel-gaar ah. Shaqadda guddiga ayaa ah xalinta haddii uu khilaaf ama is-qabqabsi ka dhasho doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.  Xubnaha uu ka kooban yahay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Heer Federaal ayaa soo dhaweyey doorashada Guddoomiyaha iyadoo lagu wado in guddoomiye rasmi ah doorteen dhowaan. Hassan Istiila Mogadishu, Somalia 

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Baarlamaanka Puntland oo maanta ansixiyay xisaab-xirka sannadka 2020

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyay fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada  Fadhiga maanta waxaa soo xaadirtay 46 Xildhibaan, waxaana ajandaha fadhigu ahaa ka doodista Xisaab-xirka Sannad Maaliyadeedka 2020, taas oo Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiilladu ay kusoo sameeyeen akhriskii 2aad, iyagoo Golaha lawadaagay Warbixintooda. Dood iyo Falanqeyn kadib waxaa Xubnaha Golaha Wakiilladu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xisaab-xirka 2020, iyadoo ay oggolaadeen 44…

Akhriso Faahfaahinta