Warar 

Guddiga doorashooyinka heer federalka oo maanta dooranaya guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federal (FIEIT) ayaa maanta lagu wadaa in uu dooran doono guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen, si loo sii dar-dargeliyo shaqadda guddiga. Xubnaha u sharraxan xilka guddomiyaha FIEIT ayaa kala ah Maxamed Muuse Maxamuud, Maxamed Xasan Cirro, Cabdi Xiis Aadan iyo Liibaan Axmed Xasan. Guddiyada doorashooyinka heer federaal, heer dowlad-goboleed iyo xallinta khilaafaadka, ayaa shalay loo soo xiray tababar muddo 3 cisho ah ugu socday magaalada Muqdishu. Guddiga ayaa si faah-faahsan uga dooday diyaarinta jadwalka doorashada, miisaaniyadda, anshaxa doorashada iyo daah-furnaanta, cadaaladda iyo hufnaanta doorashada.  

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Madaxweynaha Koonfur-Galbeed oo furay kalfadhiga 3-aad ee baarlamaanka maamulka

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa shalay furay kalfadhiga saddexaad ee Golaha Wakiillada maamulka Koonfur Galbeed. Kulanka furitaanka waxaa sidoo kale ka qeyb-galay gudoomiyaha baarlamanka Koonfur Galbeed Dr Cali Saciid Faqi, labadiisa ku-xigeen iyo masuuliyiin ka kala socotay dowladda federalka iyo dowlada-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa xildhibaannada ku booriyay in shaqooyin badan ay horyaalaan, isagoona dhinaca kale khudbadiisa kaga hadlay arrimaha doorashooyinka federaalka, amniga iyo arrimo kale.  

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Guddiyada doorashooyinka oo loo soo xirey tababar u socday muddo saddex maalmood ah

Guddiyada doorashooyinka heer federaal, heer dowlad-goboleed iyo xallinta khilaafaadka, ayaa shalay loo soo xiray tababar muddo 3 cisho ah ugu socday magaalada Muqdishu. Guddiga ayaa si faah-faahsan uga dooday diyaarinta jadwalka doorashada, miisaaniyadda, anshaxa doorashada iyo daah-furnaanta, cadaaladda iyo hufnaanta doorashada. Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa kula dardaarmay guddiyada in ay si cadaalad ah oo hufan u dhaqan geliyaan aqoonta iyo tababarka ay qaateen,islamarkaana ka soo dhalaalaan dadaalkii lagu bixiyay.

Akhriso Faahfaahinta