Baydhabo oo maanta lagu daah-furay kulan looga hadlayay ka qeyb-galka siyaaasadda iyo qoondada haweenka

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee baarlamanka Koonfur-Galbeed Soomaaliya Marwo Shamso Maxamed Yarrow, ayaa maanta magaalada Baydhabo ku daah-furtay kulan looga hadlayay ka qeyb-galka siyaaasadda iyo u ololaynta qoondada haweenka ee 30%. Qaban-qaabada kulanka ayaa waxaa iska kaashaday baarlamaanka maamulka iyo hay’adda EISA. Todobaadkii hore Golaha Wadatashiga Qaran ayaa isku raacay in boqolkiiba konton 50% la dhimo khidmada laga qaadayo musharaxiinta haweenka ee u tartamaya labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Musharaxiinta Haweenka ee Aqalka Sare ayaa hadda laga qaadayaa toban kun oo doolar ($10, 000), halka kuwa Golaha Shacabka laga qaadayo shan…

Akhriso Faahfaahinta