Baarlamaanka 

Baarlamaanka Galmudug oo maanta ansixiyay hindise-sharciyeedka dakhliga iyo canshuuraha Galmudug

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal oo ay wehlinayaan ku-xigeennadiisa 1-aad iyo 2-aad, ayaa maanta shir-guddoominayay fadhiga baarlamaanka oo ku qabsoomay magaalada Dhuusamareeb. Ajandaha kulanka ayaa kala ahaa bandhiga iyo akhrinta 1-aad ee hindise-sharciyeedka nootaayada Galmudug iyo akhrinta 3-aad iyo ansixinta hindise-sharciyeedka dakhliga iyo canshuuraha Galmudug. Xildhibaannada ayaa dood dheer kaddib maanta ansixiyay hindise-sharciyeedka dakhliga iyo canshuuraha Galmudug kaddib markii baarlamaanka uu ku sameeyay dib-u-eegis. Hassan Istiila Mogadishu, Somalia

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka Falanqeyn 

Maxaad dooneysaa in aad ka oggaato “Midowga Musharraxiinta cusub ee haweenka Soomaaliyeed?

Haween musharraxiin ah oo dhammaantood ku cusub saaxada siyaasadda, ayaa shalay magaalada Muqdishu ku daah-furay midowga musharraxiinta cusub ee haweenka Soomaaliyeed. Midowga aragti siyaasadeedka cusub oo ay ku mideysanyihiin ilaa 50 musharraxiin haween ah, ayaa qeyb ka ah xaqiijinta koontada dumarka ee ah 30 boqolkiiba. Dumarkan oo dhammaantood doonaya in ay u tartamaan kuraasta baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa ujeedkoodu yahay muujinta midnimo siyaasadeed, is-guubaabin, abuuridda madal hoggaamisa siyaasiyiinta cusub ee dumarka iyo sameynta xarun kulmisa haweenka kamid noqda baarlamaanka iyo kuwa banaanka jooga ee doonaya kamid noqoshada baarlamaanka. Caasho Cumar…

Akhriso Faahfaahinta