Baarlamaanka Falanqeyn 

Maxaad dooneysaa in aad ka oggaato “Midowga Musharraxiinta cusub ee haweenka Soomaaliyeed?

Haween musharraxiin ah oo dhammaantood ku cusub saaxada siyaasadda, ayaa shalay magaalada Muqdishu ku daah-furay midowga musharraxiinta cusub ee haweenka Soomaaliyeed. Midowga aragti siyaasadeedka cusub oo ay ku mideysanyihiin ilaa 50 musharraxiin haween ah, ayaa qeyb ka ah xaqiijinta koontada dumarka ee ah 30 boqolkiiba.

Dumarkan oo dhammaantood doonaya in ay u tartamaan kuraasta baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa ujeedkoodu yahay muujinta midnimo siyaasadeed, is-guubaabin, abuuridda madal hoggaamisa siyaasiyiinta cusub ee dumarka iyo sameynta xarun kulmisa haweenka kamid noqda baarlamaanka iyo kuwa banaanka jooga ee doonaya kamid noqoshada baarlamaanka.

Caasho Cumar Geesdiir/ Sawir-qaade Hassan Istiila

Caasho Cumar Geesdiir, oo kamid ah musharraxiinta cusub ee haweenka Soomaaliyeed, oo wareysi gaar ah siisay Kalfadhi.com, ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin in ay la yimaadaan waji cusub, muujinta cududa iyo awooda dumarka siyaasiyiinta ah iyo sidii loo dhisi lahaa bulsho caafimaad qabta oo la jaanqaada bulshooyinka deriska iyo kuwa kale ee adduunka.

Mid kamid ah caqabadihii ku hor-gudbanaa haweenka musharraxiinta ayaa la qafiifiyay, kaddib markii dhammaadkii bishii June, Golaha Wadatashiga Qaran uu isku raacay in boqolkiiba konton 50% la dhimo khidmada laga qaadayo musharraxiinta haweenka ee u tartamaya labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Musharraxiinta haweenka ee aqalka sare ayaa hadda laga qaadayaa toban kun oo doolar ($10, 000), halka kuwa Golaha Shacabka laga qaadayo shan kun oo doolar ($5,000).

Qafiifinta khidmadii diiwaan-gelinta ee haweenka, ayaa sare u soo qaaday niyada iyo hamiga dumar badan oo kamid ah midowga cusub ee musharraxiinta, inkastoo ay kasii jeclaayeen in boqolkiiba 70% lasii dhimo lacagta diiwaan-gelinta.

“Waxaan ku faraxanahay in la dhimay khidmadii diiwaan-gelinta ee haweenka, balse waxaan kasii jeclaan lahaa in la dhimo boqolkiiba 70% maxaa yeelay dumarka iyo ragga isku mid ma ahan marka la fiiriyo dhaqallaha- musharraxiinta rag iyo dumar ayaa u baahan olole ka bilowda caasimada ilaa deegaan-doorashooyinka, sidaasi awgeed musharraxii heysta lacag ayaa sameyn kara olole gaara dhammaan dadka deegaanka” ayey tiri Caasho Geesdiir.

Sahra Cabdullahi Calasow/ Sawir-qaade: Hassan Istiila.

Sahra Cabdullahi Calasow, oo kamid ah midowga musharraxiinta cusub ee haweenka Soomaaliyeed, ayaa sheegtay in ay yimiid midow is-bedel doon oo cusub oo haween ah, kuwaas oo leh hami siyaasadeed ku aadan horumarinta dalka, gaar ahaan amniga iyo dib-u-fiirinta sharciyada difaaca dalka iyo dadka.

Gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Cismaan Muxidiin Shaatax, ayaa garab istaag u muujiyay musharraxiinta cusub ee haweenka Soomaaliyeed, isagoona u ballanqaaday in ay kala qeyb-geli doonaan kulamadooda, talana ay sii doonaan.

Diyaarsanaan la’aanta hab-raac jadwal oo lagu soo xulayo kuraasta haweenka, ayaa wali-wal weyn ku haya haweenka qaar ee sannadkan u tartamaya kuraasta baarlamaanka, doodan oo ah mid loo qaateen ah ayaa baraarujineysa ururada haweenka iyo midowga musharraxiinta cusub ee haweenka Soomaaliyeed.

Xiriir miyaa ka dhexeeya gabdhaha xildhibaannada iyo musharraxiinta cusub ee haweenka Soomaaliyeed?

Caasho Cumar Geesdiir, oo kamid ah musharraxiinta cusub ee haweenka Soomaaliyeed, ayaa xustay in aanu jiri xiriir la taaban karo oo ka dhexeeya xildhibaannada gabdhaha ah iyo midowga musharraxiinta cusub ee haweenka Soomaaliyeed, iyadoona sabab uga dhigtay in wakhtiga lagu jiro oo ah xaalad doorasho iyo mushquul badan oo heysta dhammaan kuwa uu ku jiro hamiga doorashada.

Qoondada dumarka

Dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya (qodobkiisa 11-aad) iyo Sharciga Doorashooyinka Qaranka (qodonkiisa 23-aad) waxa ay waajibinayaan in 30% dumarku ku yeeshaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Qodobka 6-aad ee xeerka asteynta deegaan-doorashada kuraasta, qoondada haweenka iyo metelaadda gobolka Benaadir waxa uu soo jeedinayaa in kuraasta ay hadda ku fadhiyaan haween ee labada aqal, oo ah 24%, ay u tartamaan keliya haween doorashada soo socota. Waxa uu sidoo kale xeerku weydiisanaya GMDQ in ay ka keenaan 6% ee ka dhiman qoondada dumarka beelaha aanan fulin saamiga haweenka ee doorashadii 2016.

Doorashadii dadbaneyd ee 2016 waxa ay si weyn u kordhisey metelaadda dumarka ee baarlamaanka 10-aad. Waxa ay tani timid kadib markii dumarka loo xeray kuraas ay iyaga keliya ku tartamaan. Waa hannaan horey loosoo tijaabiyey oo haddii mar kale la isticmaalo, kordhin kara ama ugu yaraan keeni kara in 24% ay xildhibaannada dumar noqdaan doorashada soo socota. Sikastaba ha noqotee, waxaa jira cabashooyin. Dumarka raba in ay noqdaan xildhibaanno kanasoo jeeda beelaha ay kuraastooda hadda ku fadhiyaan rag (inkastoo ay tartami karaan) waxa yaraan doonta fursadda lagu dooranayo sabab ka dhalatay kursiga haweenka leeyihiin oo la calaamadeeyay. Sidaas si lamid ah, beelaha qaar oo ay hadda metelaan haween waxa ay doonayaan in metelaadda dumarka noqoto mid wareegto oo aan beelo gaar ah keliya ku ekaan. Hannaanka metelaadda haweenka ee lasoo jeediyey cabashiiyinkan kama jawaabeyso.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira

Leave a Comment