Warar 

Guddiga doorashada maamulka Hirshabelle oo doortay guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa

Guddiga doorashada ee dowlad-gobolleedka Hirshabelle ayaa maanta Axmed Xasan Diini u doortay guddoomiye, halka guddoomiye ku-xigeen loo doortay Xaliima Maxamed Cismaan. Axmed Xasan ayaa helay 10 cod, halka ku-xigeenka ay heshay 11 cod, kaddib doorashadii maanta ka dhacay magaalada Muqdishu. Doorashada guddoonkan ayaa hakad u galay arrimo farsamo iyo sidoo kale in lala sugayay mHirshabelle Cali Guudlaawe oo safar ugu maqnaa dalka Turkiga. Hassan Istiila Mogadishu, Somalia

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee baarlamaanka Koonfur-Galbeed oo soo xirtay kulan looga hadlayay u ololaynta qoondada haweenka

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee baarlamaanka Koonfur-Galbeed Soomaaliya marwo Shamso Maxamed (Yarrow), ayaa todobaadkan soo xirtay kulan looga hadlayay ka qeyb-galka siyaasadda iyo u ololaynta qoondada haweenka ee 30% ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Kulanka oo socday muddo saddex cisho ah ka socday magaalada Baydhabo, ayaa waxaa si wada-jir ah u soo qaban-qaabiyay hay’adda EISA iyo baarlamaanka maamulka koonfur-Galbeed. Xeritaanka kulanka waxaa ka soo qeyb-galay xildhibaanno, odayaasha dhaqanka, ururada bulshada iyo qeybaha dhallinyaradda. Hassan Istiila Mogadishu, Somalia

Akhriso Faahfaahinta