Baarlamaanka 

Xildhibaan Fowziyo Yuusuf oo shaacisay inay tahay musharax madaxweyne sannadkan 2021

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamaanka, ayaa shalay isu sharaxday xilka madaxweynaha Soomaaliya, iyadoona noqotay haweeneydii ugu horreysay oo shaacisa in ay u tartameyso xilka madaxweynaha dalka ee sannadkan 2021. Fowsiyo ayaa horay u soo noqotay Ra’iisul Wasaare ku-xigeen iyo wasiir arrimaha dibadda, iyadoona aheyd haweeneydii ugu horreysay ee xilalkaas loo magacaabo. Fowsiyo Yuusuf, ayaa noqon doonta haweeneydii labaad ee u tartanta xilka madaxweynaha Soomaaliya, haddii ay buuxiso shuruudaha musharaxnimo, una tartanto xilka madaxweynaha. Caasha Axmed Cabdalla, ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Guddiga arrimaha bulshada ee baarlamaanka Puntland oo kulan la yeeshay wasiirka warfaafinta

Guddiga arrimaha, bulshada, dhaqanka, warfaafinta iyo isgaarsiinta ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta kulan wada tashi ah xarunta Golaha kula yeesheen wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo dalxiiska Puntland. Guddiga ayaa akhriska labaad ku sameynaya hindise-Xeereedka Dhawrista Goobaha Taariikhiga ah ee Puntland, kaas oo ay soo gudbisay wasaarada warfaafinta. Guddiga iyo wasaaradda ayaa falanqeeyey ujeeddooyinka Hindise Xeereedka iyo ahmiyadda uu u leeyahay Dawladda Puntland. Hassan Istiila Mogadishu, Somalia

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka Warar 

Cirka ayuu isku shareeray khilaafka ka dhex taagan baarlamaanka Puntland

Muran ayaa ka taagan baarlamanka Puntalnd, kadib markii dhawaan la meel mariyay xeer hoosaadka baarlamanka kaasoo qodobbada qaarkood ay diideen xildhibaanada qaarkood, waxaana jira inay ku andacoonayaan in qodobbada qaarkood ay dastuurka ka hor imaanayaan. Xildhibaanada Puntland ayaa shaley loo qeybiyay xeer hoosaadka golaha kadib markii 4-tii bisha uu baarlamaanka ansixiyay xeer hoosaadka cusub. Mid ka mid ah qodobada uu muranka ka taaganyahay ee xeer hoosaadka cusub ayaa ah xaasanadda looga qaadi karo xildhibaanka 44 cod xildhibaanada, guddoonka , iyo waliba madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Waxaa isa soo tarayaa khilaafka…

Akhriso Faahfaahinta