Warar 

Shirka madasha garsooreyaasha oo maanta la filay in la soo xiro

Shirka madasha garsooreyaasha oo looga hadlay arrimaha garsoorka ayaa maanta galay maalintii u dambeysay, waxaana la filayaa in maanta la soo xiro doono. Shirka waxaa ka qeyb-galay garsooreyaasha maxkamadaha degmooyinka gobalka Banaadir, maxkamadda racfaanka, guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer illaaliyaha guud ee Qaranka. Shirkan oo uu daah-furay guddoomiyaha maxakamadda sare dalka Baashe Yuusuf Axmed, ayaa looga dooday islamarkaana la isku weydaarsaday warbixino iyo su’aalo la xiriira dembiyada dacwad fullinta iyo falanqeyn Guud ee Garsoorka iyo cadaalad sameynta Hassan Istiila Mogadishu, Somalia

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo guddoomiyaha midowga musharraxiin oo ka wadda-hadlay doorashooyinka

Madaxweynaha dowladda-gobolleedka Hirshabeelle mudane Ali Gudlawe Hussein, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxweynihii hore ee dalka mudane Sharif Sheikh Ahmed. Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka federaalka oo fooda nagu soo heya. Mudane Shariif oo sidoo kale ah guddoomiyaha midowga musharraxiinta oo deeggaan doorashadiisana ay tahay Hirshabelle, ayaa dadaal siyaasadeed badan ku bixinaya sidii xisbigiisa iyo mucaaradka ay u heli lahaayeen aqlabiyada xildhibaannada labada aqal ee ka imaanaya Hirshabelle.

Akhriso Faahfaahinta