Baarlamaanka 

Baarlamaanka Puntland oo taageeray in dib loo celiyay hindise xeereedka dhowrista goobaha taariikhiga

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland mudane Cabdiirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka  1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 15-aad  ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada DPL, waxaana fadhiga soo xaadiray 40 Mudane.

Guddiga arrimaha aulshada, dhaqanka, warfaafinta iyo isgaarsiinta oo gacan ku hayey hindise xeereedka dhowrista goobaha taariikhiga, ayaa maanta warbixin ka horjeediyay golaha wakiillada.

Guddiga ayaa hindisaha wadatashi kala soo yeeshay wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo dalxiiska ee Puntland, waxayna golaha u soo jeediyeen in dib loo celiyo hindise xeereedkan, maadaama uu ka hor imaanayo xeer Lr.3 ee ku saabsan akademiyada Puntland ee hiddaha iyo dhaqanka soona baxay 15/01/2007.

Ugu dambeyntii, golaha Wakiillada ayaa ka cod aqlabiyad ah ku taageeray soo jeedinta guddiga.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira

Leave a Comment