Baarlamaanka 

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo kormeeray dhismaha xarunta Jaamacadda Umadda faraceeda Galmudug

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal, ayaa todobaadkan kormeeray horumarka laga sameeyey dhismaha xarunta Jaamacadda Umadda ay ku leedahay magaalada Caabudwaaq ee Galmudug.

Mudane Dr Maxamed iyo xubnihii la socday ayaa agaasimaha jaamacadda Umadda faraceeda Galmudug Mudane Maxamuud Dirir ka dhageystay warbixin ku saabsan kuliyaddaha ay bixiso Jaamacadda, dufcadaha kala duwan ee ka qalin badeshay Jaamacadda, kuliyaddaha la rajeynaayo in lasoo kordhiyo, tirada ardeyda ee la filaayo in ay sii kordhaan iyo dhismayaasha socdo.

Wasiir Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel) oo kamid ahaa aas-aasa-yaashii jaamacadda faraca Galmudug, ayaa ka war-bixiyey heerarkii ay soo martay jaamacadda, isagoo sheegay in ilaa hadda dawladda federaalka Soomaliya ay bixiso mushaaradka barayaasha kuliyaddaha jaamacadda iyo shaqaallaha.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira

Leave a Comment