Baarlamaanka 

Baarlamaanka Jubnaland oo magacaabay guddiga doorashada Aqalka Sare iyo safiirka Midowga Yurub oo ammaanay

Guddoomiyaha golaha wakiillada Jubaland Cabdi Maxamad Cabdiraxmaan, ayaa magacaabay guddiga doorashada xubnaha u tartamaya Aqalka Sare ee barlamaanka federaalka.

Guddiga ayaa ka kooban sagaal xildhibaan oo labo kamid ah yihiin gabdho, waxaana ay ka shaqeyn doonaan sidii waqtigeeda ay ugu qabsoomi lahayd tartanka sideeda kursi ee Jubaland ku leedahay Aqalka Sare.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga, ayaa ammaanay maamulka Jubbaland sida ay u bilaabeen howlaha doorashooyinka, isagoonna rajeeyay in maamuladda kale ay bilaabi doonaan.

Dhinaca kale madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta xarunta madaxtooyada Jubbaland ku qaabilay guddiga xalinta khilafaadka arrimaha doorashooyinka ee gobolka Gedo.

Guddiga oo ah guddi heer-wasiirro oo ka kala socda dowladd-gobolleedyada dalka sida Puntland, Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed, ayaa madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland warbixin ka siiyay xaaladda gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Garbahaarey oo ay ku sugnaayeen afartii casho ee la soo dhaafay, halkaasi oo ay ka wadeen xal u raadinta iyo dib-u-hishiisiin laga hirgaliyey gobolka.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira

Leave a Comment