Warar 

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo la kulmay guddiga amniga doorashooyinka

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) Maxamed Xasan Cirro ayaa xalay kulan diiradda lagu saarayay sugidda iyo xaqiijinta amniga doorashooyinka la qaatay Guddiga Amniga Doorashooyinka heer Qaran.

Kulanka oo uu shir-guddoominayay taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan (Xijaar), ayaa muhiimadiisu ahaa sidii dalka ay uga dhici lahayd doorashooyin xor iyo xalaal ah oo nabdoon iyo sidii loogu diyaar-garoobi lahaa sugidda amniga doorashooyinka dalka.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira

Leave a Comment