Baarlamaanka 

Akhriso: Habraaca doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Guddiga Doorashoyinka Soomaaliya ayaa soo saaray habraaca doorashada xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka, shuruudaha, warqada anshaxa musharaxiinta u tartami doona Aqalka Sare iyo lambarada Bangiyada lagu shubayo khidmada laga doonayo musharaxa.

Shuruudaha laga doonayo Musharaxa Aqalka Sare ayaa waxaa kamid ah;

1 – In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Fcderaalka Soomaaliya

2 – In Dhimirkiisu taam yahay,

3 – In da’diisu aysan ka yarayn 25 sano

4 – In aan xuquuuqdiisa muwaadinnimo go’aan maxkamadceed lagu hakin shanti (5) nano ee ugu danbeysay.

5 – Inuu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.

6 – In uusan ka tirsanayn ama wax xiriir ah la lahayn koox argagixisada ah.

7 – In uu haysto waraaqda dembi la’aanta ee hey’adda dembi baarista (CID) maamul goboleed ama mid federal.

Halkan ka akhriso…

Warar kale oo la xiriira

Leave a Comment