Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magaalada Muqdishu kulan kula yeeshay xubnaha Midowga Musharraxiinta, kaas oo diirrada lagu saaray bilaabashada dooashada Golaha Shacabka iyo walaaca ay musharraxiinta ka qabaan habraaca doorasho lagu kalsoonaan kaaro.
Midowga ayaa horay walaac weyn uga muujiyay daah-furnaan la’aanta ka jirta doorashooyinka dalka ka soconaya iyo sida aaney raali uga noqon karin habka ay iminka wax u socdaan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballan-qaaday in Golaha Wadatashiga Qaranka uu yeelan doono kulan ku saabsan sidii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa in doorashooyinka dalku ay u dhacaan si hufan leh, loona saxi lahaa qaladaadka jira.
Dhinaca kale waxaa uu sheegay in uu shir la qaadan doono guddiyada doorashooyinka ee dalka, si ay mar kale uga wada hadlaan cabashooyinka soo yeeray iyo hannaanka doorashada.
Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia