• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Baarlamaanka

6 kursi oo lagu doortay Garowe (Puntland oo dhameysay doorashada baarlamaanka & Deni oo ka hadlay)

Hassan Istiila by Hassan Istiila
March 21, 2022
in Baarlamaanka
Reading Time: 1 min read
0
6 kursi oo lagu doortay Garowe (Puntland oo dhameysay doorashada baarlamaanka & Deni oo ka hadlay)

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad-gobolleed ee Puntland ayaa maanta soo gabo-gabeeyay doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland, kaddib markii magaalada Garowe lagu doortay lixdii kursi ee ugu dambeysay.

Kursiga Hop#073 waxaa ku guuleystay Eng Maxamed Cabdullaahi Kayse oo helay dhammaan cododkii ergada, kaddib markii uu tanaasulay musharraxii la tartamayey ee Cabdullaahi Cabdi Jaamac. Kursigan waxaa horay ugu fadhiyay Cali Axmed Jaamac Jangali.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur Yare, ayaa ku guuleystay kursiga Hop#199, kaddib markii ay u tanaasushay Luul Abshir Diiriye oo la tartami laheyd. Kursigan waxaa horay ugu fadhiday Xaawo Yuusuf Axmed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Puntland Cismaan Cali Yuusuf, oo helay 97 cod ayaa ku guuleystay kursiga Hop#198, kaddib markii uu tanaasulay Cabdiraxman Ciise Maxamed oo la tartami lahaa.

Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo heshay 99 cod ayaa mar kale kusoo noqotay kursigeeda Hop#129, kaddib markii ay u tanaasushay Sacdiyo Cabdilaahi Salaad.

Kursiga shanaad ee Hop#191 waxaa ku ku guuleystay Eng Cabdixakiin Maxamed Jaamac, kaddib markii uu u tanaasulay Maxamed C/xamiid Warsame oo la tartami lahaa, waxaana Eng Cabdixakiin Maxamed Jaamac uu helay dhammaan cododka erada.

Cabdirisaaq Xasan Axmed oo helay 99 cod ayaa ku guuleystay kursiga Hop#221, kaddib markii uu u tanaasulay Cali Maxamed Axmed.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, ayaa u hambalyeeyay dhammaan xildhibaanada cusub ee Puntland ku metelaya Golaha Shacabka JFS, oo maanta doorashadoodu soo dhammaatay.

“Illaahay ayaa mahad leh oo inoo suuragaliyey in wax walbo siwanaagsan inoogu qabsoomeen”

“Waxaan alle uga baryayaa Xildhibaanada cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda loo doortay, waxaan u mahadcelinayaa Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Puntland, Ciidamada Amniga, Hoggaanka dhaqanka, Bulshada Rayidka ah, kor joogtada, Warbaahinta iyo cidkasta oo doorkeeda qaadatay” ayuu yiri Deni.

Previous Post

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal oo shaaciyay xiliga la dhaarinayo xildhibaannada la doortay

Next Post

Maxaa iiga baxay doorashadii baarlamaanka federaalka ee ka dhacday Puntland?

Hassan Istiila

Hassan Istiila

Related Posts

Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay wasiirrada haweenka ee labada heer ee dowladda
Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay wasiirrada haweenka ee labada heer ee dowladda

October 9, 2022
Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay dib-u-dhigista magacaabidda garsoorayaasha maxkamadda sare
Baarlamaanka

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay dib-u-dhigista magacaabidda garsoorayaasha maxkamadda sare

October 3, 2022
Golaha guurtida oo sharciga doorashooyinka dib-ugu-celiyay golaha wakiillada Somaliland
Baarlamaanka

Golaha guurtida oo sharciga doorashooyinka dib-ugu-celiyay golaha wakiillada Somaliland

October 1, 2022
Guddida Doorashooyinka Somaliland oo dalbaday wakhti dheeraad ah oo lagu qabto doorashada
Baarlamaanka

Guddida Doorashooyinka Somaliland oo dalbaday wakhti dheeraad ah oo lagu qabto doorashada

September 29, 2022
Next Post
Maxaa iiga baxay doorashadii baarlamaanka federaalka ee ka dhacday Puntland?

Maxaa iiga baxay doorashadii baarlamaanka federaalka ee ka dhacday Puntland?

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo
  • Warar

Links

  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com