Laba musharrax ayaa maanta loo doortay xubinimada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo.
Labada kursi ee la doortay ayaa kamid ah afartii kursi ee ugu dambeysay ee deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Kismaayo, iyadoo ay xusid mudantantahay in aan wali la bilaabin doorashada magaalada Garbahaarey.
Axmed Maxamuud Jama, ayaa ku guuleystay kursiga #HOP029, kaddib markii uu tanaasulay musharraxii la tartami lahaa ee Cabdiqani Cali Ciise.
Dhinaca kale Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif oo helay 74 cod ayaa ku guuleystay doorashada kursiga #HOP124, kaddib markii cod gacan taag loogu codeeyay. Waxaana kursiga kula tartamayay musharrax Xildhibaan Cabdullaahi Mukhtar Maxamed.