• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Falanqeyn

Yaa Ra’iisul Wasaare Rooble u hanjabay?

Hassan Istiila by Hassan Istiila
March 31, 2022
in Falanqeyn
Reading Time: 3 mins read
0
Yaa Ra’iisul Wasaare Rooble u hanjabay?

Waxyaabo badan oo waxaa jira u muuqda in ay marka hore fudud yihiin ama sahlan yihiin, laakiin aad iyo aad dib uga soo cuslaada. Dowladnimadda Soomaaliya oo waqtiga dheer la galiyay waxaa lagu waday dulqaad, heshiis, qaanuun iyo dastuur looga gol lahaa in dib loogu yabyabo Soomasliya oo muddo dheer burbur ku jirtay.

Dilka, dhaca iyo taloxumeysiga marka hore waxaa laga yaabaa in ay la fudidaadaan dadka qaar, laakiin marka danbiga uu dhaco, waa adeg tahay in cawaaqibka laga baxsado.

Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi  Allaha u naxariisto, tacsidii xalay loo qabtay waxaa shacabku ku ogasdeen macluumaad badan oo qarsoonaa oo uu shaaca ka qaaday Ra’iisal Wasaaraha xilgaarsiinta, Maxamed Xusseen Rooble. Shacabku waxay ogaadeen in dhibka gaaray Xildhibaan Amino Maxamed iyo keyska Ikraan Tahliil uu xiriir ka dhaxeeyo.

Waxay kale oo ay shacabku ogaadeen in ra’iisal Wasaarsha laftiisa loo soo diray fariin hanjabaad ah oo qofka soo diray uusan waxba la harin oo mas’uulka ugu sareya ee fulinta uu u sheegayo in uu la dagaalayo ama haddii si kale loo dhigo uu dilayo… Alla talo xumaa qifkaasi.

Waxaa kale oo ay shacbku ogaadeen in doorashadda dadka qaar iskudayayaan in ay carqaladeeyaan si ay u jiitanto mudo dheer sma aan la qabanba.

Taa haddii aan ku hormaro, Rooble waxaa uu sheegay in ay ka go’antay in doorasho la qabanayo wax kasta oo dhaca, oo ayba tahay sida kaliya ee marxaladaan amnixumadda ah looga bixi karo si loola xisaabtamo dadka dhibka iyo amni xumadda mas’uilka ka ah ee qaanuunka ka sareeya.

Marka waxaa cad  oo dhab ah in ujeedadii laga lahaa fariinta handaddaada ah ee loo soo diray Ra’iisal Wasaare Rooble ay shaqeyn weday. Ra’iisal Wasaaruhuna uu shacab u sheegay in uusan ka ka hareyn balankii uu qaaday ee la xiriira keyska Ikraan Tahliin iyo kan cusub ee Amina Maxamed. Doorashadda lagu qabanayo sida ugu dhaqsaha badan si danbilayaasha loola xisaabtamo.

Dib aan ugu noqdo dilka Amina Maxamed; Ra’iisal Wasaaruhu waxuu  shacabka u sheegay in isaga iyo madaxweynaha Hirshabeelle ay ka wadahadleen in la furo kusiga ay u tartameysay Amina. In yar ka dibna qof  aan la magac dhabin uu ku dhiiraday in uu soo diro fariin…

Waxa kale oo uu shacabku la wadaagay in ra’iisal wasaaraha uu wali hayo fatiintaas iyo macluumaad kale oo la xiriira lacagta lagu bixiyay iyo abaabul la galiyay dilka xildhibaan Amina Allaha u naxariistee.

Waxaa xusid mudan in dabiyo hore ay dhaceen oo ay ka mid yahiin uguna waaweynaayeen weerarkii lagu qaaday gurigga Cabdiraxman Candishakuur iyo  Eng. Cabdiraxman Yariisow, Duqii hore ee magaaladda Muqdisho oo xafiiskiisa lagu dilay iyo danbiyo kale oo aan wali baaaritaan rasmi ah lagu sameyn.

Waxaas oo dhan waxa jiray tuhuumo la qabo. Sida cadna tuhun dambi ma aha ilaa iyo wax cad laga keenaayo ama lala yimaado, hadase Ra’iisal Wasaaraha dalka ayaa lagu dhiiraday in dil iyo dagaal loogu hanjabo…cadeynteeda isagay gacanta ugu jirtaa iyo awoodii dalkaba.

Ilaa iyo hadda lama oga xiriirka ka dhexeeya danbiyadda hore dalka ugu dhacayay iyo dilalka siyaasadeed  iyo in kale, laakiinse sida uu Ra’iisal Wasaaruhu sheegay keyska Ikraan Tahliil iyo kan Aamino Maxamed waxaa ka dhexeeya xiriir. Danbilahana uu dagaal iyo iska celin ugu hanjabay maamulka Hirshabeelle iyo Ra’iisal Wasasraha dalka. Cajiib dheh.

Soomaalidaa ayaa waxay hore ugu maah- maahday,” Haddii uu xooggaagu hal xor yahay, waxuu kuu geeyaa  nin uu xooggiisu laba xor yahay.” Haddaba qofka aan la sheegin ee fariimaha  cagajugleynta diraya waxaa uu qoorta u suran qool uu isagu gacantiisa ku qoolay oo ay adagtay in uu ka baxsado.

Gabo gabadii, haddaba maxaa la gudboon dadka eedeysan ama laga yaabo in ay arrimsha qaanuunka khilaagsan ay lug ku lee yihiin?

Waxaa la gudboon cid walba oo danbi galay ama la galiyay ee dowladda laamaheeda ka tirsan inta goori goortahay in ay qareen ama qaanuun yaqaan la wadaagaan macluumaadka ay hayaan iyo waxa uu isagu dhibay, haddii kali danbiguu qeyb ka noqon .

Danbiyadda la galay waxaa ku jira dhiig dad oo Ilaahay xaaraantimeeyay, wax sahlana ma aha ee yaan loo sahlan sida uu u fududeystay qofka fariimaha hanjabaadda ah u qoray Ra’iisal Wasaaraha. Dhamaad

( Bartan haddii aad rabto in aad ka falceliso xor baa u tahay. Ogow in qoraalaagu uu meesha ku oolayo waligii…)

Fiiro Gaar ah

(Bartan ma aha meel aflagaado ama handadaad,  haddii si mus’uuliyadi ku jirto aadan wax u qori karin, waxaa la qaatay in aadan wax qorin. Bartan muxaafad iyo mucaarad ma leh, waa bar ka dhaxeysa Somaali oo dhan oo lagu lafaguro wax dhab ah, iyada oon cidna wax loo dhimin.

Haddii aad dhibsatay wax halkan ku qoran, looguma talo galin in qof lagu dhibo. Laakiin waxaad ogaataa in arrimaha laga hadlayo ay yihiin mid saameyn ku leh masiirka shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Ra’yiga saliimka waa xor, wax baana laga kororsan. Ogow, dowladdu waxay leedahay suxufiyiin, qareeno iyo mus’uuliyiin kale oo loo igmaday in ay dadka u sheegaan mowqifka siyaadadeed ee dowladda ama difaacaan.

Waxay sidoo kale leedahay wargeys, raadiye, television, bogag internetka iyo baro bulsho.)

Qore: Mohamed Mohamud Cadde.

Waa Aqoonyahan iyo lafegure arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya.

(Qoraalku waa xirfad muhiimadeeda leh ee u kaasho si waxtar u leh bulshada).

Previous Post

Bandhigga buugta Banaadir oo hiigsanaya in baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyo xeerka ilaalinaya qalinka iyo qoraalka

Next Post

Kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka maamulka Koonfur-Galbeed oo maanta lasoo xiray

Hassan Istiila

Hassan Istiila

Related Posts

Auto Draft
Falanqeyn

Kaalinta haweenka ee howlgallada ka socda dalka (Akhriso: Haddii aan ami jirin hooyo hurdimeyso)

October 4, 2022
Akhriso: War-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh
Falanqeyn

Akhriso: War-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh

September 30, 2022
Soddonkii sannadood ee la soo dhaafay, Itoobiya, Eritrea iyo Somalia W/Q: Nageeye Cali Khaliif
Falanqeyn

Soddonkii sannadood ee la soo dhaafay, Itoobiya, Eritrea iyo Somalia W/Q: Nageeye Cali Khaliif

July 16, 2022
C/Nuur Maxamed: Wasiir Bayle wuxuu ahaa shaqsiga loogu necebyahay dowladda (Akhriso sababta)
Falanqeyn

C/Nuur Maxamed: Wasiir Bayle wuxuu ahaa shaqsiga loogu necebyahay dowladda (Akhriso sababta)

June 30, 2022
Next Post
Kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka maamulka Koonfur-Galbeed oo maanta lasoo xiray

Kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka maamulka Koonfur-Galbeed oo maanta lasoo xiray

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo
  • Warar

Links

  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com