• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Falanqeyn

Fursad aan siinno Xildhibaannada Labada Aqal

Hassan Istiila by Hassan Istiila
April 4, 2022
in Falanqeyn
Reading Time: 2 mins read
0
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo maanta meel-mariyay sharci gaar ah oo ku saabsan jiheynta doorashooyinka dalka

‘Hal booli ahi nirig xalaal ah ma dhasho’, waa maahmaah Soomaaliyeed.

Waxaa maalmahaan aad u adeegsada dadka isku daya in ay odorosaan mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan sida iyo nooca Madaxweyne ee  la dooran doono.

Hasha boolida ah waxay ula jeedaan Baarlamaanka 2022 oo ay leeyihiin sida lagu soo doortay xalaal ma wada ahayn.

Intaas waxba kuma jabna.

Se, waxaa i dhiba marka ay raaciyaan in aanay hashu – waa Baarlamaankee, dhali kari doonin – yacni dooran karin, nirig xalaal ah, oo ay ula jeedaan Hoggaamiye wanaagsan.

Aragtideyda, arrintaasi waa rajo beel lagu niyad jebinayo shacabka Soomaaliyeed, looguna sheegayo in ay xumaan uun fishaan. Waana quus laga rajo dhigay naxariista Eebbe.

Qarsoodi ma aha oo sida Xildhibaannada qaar badani ay ku soo baxeen doorasho laguma tilmaami karin, shacabka Soomaaliyeedna kuma qanacsana. Laakiin mas’uuliyaddaas ma laha Xildhibaannadu. Madax kale ayaa eedda leh.

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka waxaa la qiimeyn karaa marka ay Howlgalaan. Taas oo ay ugu horreeyaan nooca Guddoonka labada Aqal, iyo nooca Madaxweynaha ay ummadda u dooraan.

Xildhibaannada cusub ee labada Aqal waxay isugu jiraan dad wanaagsan, qaar xumo lagu tuhmayo iyo kuwo aan hore looga aqoon Golayaasha siyaasadda, xeyndaabka maamulka iyo fagaarayaasha bulshada. Qaar khibrad leh iyo qaar aan khibrad badan lagu qiyaaseyn intaba waa ay leeyihiin.

Baarlamaan kale ma lihin.

Baarlamaanka Cusub fursad ha la siiyo. Kuwa lagu yaqaan wanaagga iyo inta lagu yaqaan khibradda, ha laga faa’iideysto wanaaggooda iyo khibraddooda.

Dhallinyarada sharafta leh oo qaarkood ay yihiin aqoonyahanno, qaarna ay ku soo tababbarteen waayaha adag ee ay noloshu ku soo beegtay, yaan niyad jebin. Yaan niyad wanaaggooda lagala hor imaan dhaliisha eed aanay weli gelin.

Aan fursad u siinno, ku dhiirri gelinno, kuna taageerno in ay mas’uuliyaddooda ka soo dhalaalaan oo ay ku shaqeeyaan Soomaalinnimo iyo Rabbi ka cabsi.

Xataa kuwa lagu tuhmayo in ay dembiyo hore gesyteen (kuma saabsana kiis furan hadduu jiro), ama aan wanaag looga baran, fursad ha loo siiyo in waxa laga aamminsan yahay ay wanaag ku beddelaan. In wax ay soo mareenba ay muujiyaan in ay hadda qeyb ka ahaan karaan nabadeynta dalka oo uu ammaankoodu ugu horreeyo iyo horumarintiisa si ay ugu aayaan iyaga iyo ubadkoodu – aakhiradoodana ay u suubsadaan.

Xildhibaannada labada Aqal aan aqbalno, soo dhoweyno, dhiirri gelinno, ku garab istaagno wanaagga, inta taagteen ah u tilmaanno waddada toosan, iyaga oo aan ka weecanna, yaan eed iyo dhaliil lagala hor imaan.

Xildhibaanow soo dhowoow. Na tus in aad tahay mas’uul fekera, xor ah, dadkiisa iyo dalkiisa jecel oo daacad u ah, uguna adeega sida ugu wanaagsan ee Rabbi ku og yahay.

W/Q: Yuusuf Garaad

Previous Post

Aadan Madoobe oo kashifay sababta xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur-Galbeed aysan u qaadanin shahaadada xildhibaannimo

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo xubinnimadii ka qaaday xubno ka tirsan guddiga doorashada, amarna siiyay booliska

Hassan Istiila

Hassan Istiila

Related Posts

Falanqeyn

Kaalinta haweenka ee howlgallada ka socda dalka (Akhriso: Haddii aan ami jirin hooyo hurdimeyso)

October 4, 2022
Akhriso: War-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh
Falanqeyn

Akhriso: War-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh

September 30, 2022
Soddonkii sannadood ee la soo dhaafay, Itoobiya, Eritrea iyo Somalia W/Q: Nageeye Cali Khaliif
Falanqeyn

Soddonkii sannadood ee la soo dhaafay, Itoobiya, Eritrea iyo Somalia W/Q: Nageeye Cali Khaliif

July 16, 2022
C/Nuur Maxamed: Wasiir Bayle wuxuu ahaa shaqsiga loogu necebyahay dowladda (Akhriso sababta)
Falanqeyn

C/Nuur Maxamed: Wasiir Bayle wuxuu ahaa shaqsiga loogu necebyahay dowladda (Akhriso sababta)

June 30, 2022
Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo xubinnimadii ka qaaday xubno ka tirsan guddiga doorashada, amarna siiyay booliska

Ra’iisul Wasaare Rooble oo xubinnimadii ka qaaday xubno ka tirsan guddiga doorashada, amarna siiyay booliska

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo
  • Warar

Links

  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com