• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Falanqeyn

SPA oo qabatay dood ku saabsan maamulka waxbarashada ee loo daadajiyay gobolka Benadir

Hassan Istiila by Hassan Istiila
August 15, 2022
in Falanqeyn
Reading Time: 2 mins read
0
SPA oo qabatay dood ku saabsan maamulka waxbarashada ee loo daadajiyay gobolka Benadir

Hay’adda Somali Public Agenda (SPA) oo ka shaqeysa cilmibaarista arrimaha jaangoynta iyo maareynta siyaasadaha dalka Soomaaliya, ayaa Khamiistii magaalada Muqdishu ku qabatay madal lagu falanqeynayay masuuliyadda maamulka iskuullada waxabarshada ee loo daadajiyay maamulka gobolka Benadir.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kaddib is-afgarad dhexmary guddoomiyaha Banaadir iyo Wasaarada Waxbarashada oo iyadu markii hore gacanta ku haysay maamulkeeda. Heshiiska waxaa saxiiyay guddoomiyaha gobolka Cumar Filish iyo wasiirkii hore ee waxbrashada Cabdullahi Godax Barre.

Cabdiraxmaan Maxamed Cali oo ka socday Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Dowladda Federaalka oo marki ku ahaa madashada, ayaa sharraxay geedi-socodkii wareejinta masuuliyadda waxbarashada, kaddib ka jawaabayay su’aallaha ka qeyb-galayaasha.

Martida madasha oo u badneyd bahda waxbarashada ayaa ka dooday caqabahada iskuullada maamulka gobolka Banaadir, heerka tayada waxbarashada iyo xalka arrimaha taagan ee quseeya mustaqbalka waxbarashada carruurta ku nool caasimadda.

Khilaaf iyo aaminaad la’aan ayaa la soo wariyay in uu ka dhex taaganyahay gobolka Banaadir iyo Wasaarada Waxbarashada tan iyo markii masuuliyadda waxbarashada lagu wareejiyay gobolka Banaadir. Khilaafka ayaa bannaanka u soo baxay, kaddib markii uu harreeyay maamulka iyo maclimiinta oo markii hore ka yimid iskuullada gaarka loo leeyahay.

Shaqaallaha ayaa khilaafkaasi ku kala qeybsamay, waxaana su’aalo badan ay ka dhasheen habraaca shaqaaleysiinta maclimiinta, maamulka iyo tayada waxbarashada.

Mid kamid ah ka qeyb-galayaasha ayaa sheegay in wada-shaqeyn la’aan ay dhexeyso maclimiinta, maamulka iyo agaasinka waxbarashada gobolka Banaadir. Wuxuu xusay in maclimiin badan aysan helin mushaaraadkooda, ayna jiraan nidaam maclimiinta loogu kala eexdo dhinaca musharaadka.

Ka qeyb-gale kale ayaa raaciyay “Mmaamulka waxbarashada gobolka Banaadir ayaa u muuqday in wali uusan si sax ah ugu soo jeesanin maamulka waxbarashada waxaana lagu garan karaa sida madaxda ugu sarreysay gobolka Banaadir aysan wali talaabo ugu qaadin maaraareynta cashada kasoo yeertay shaqaallaha.”

Tallooyinkii la soo jeediyay:

  1. Waxaa la soo jeediyay in dib-u-eegis lagu sameeyo masuuliyaddaha maamulka gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Waxbarashada, lana xoojiyo tayashada shaqaallaha. Isla markaana Wasaaradda ay taageero buuxda siiso maamulka waxbarashada ee gobolka Banaadir.
  2. In la qeexo caqabadaha jira, lana saxo xiriirka labada dhinac.
  3. In la sameeyo guddi u qareema tayada waxbarashada, miisaaniyaddana lagu caddeeyo qoondo lacageed oo gaar ah waxbarashada gobolka Banaadir.
  4. Maamulka gobolka Banaadir in uusan dhaqaalle ka raadinin waxbarashada, maclimiintana ay hubaan mushaarkooda.
  5. Saamileyda in laga qeybgeliyo tayada waxbarashada.
  6. In xal loo heli maqaamka magaalada Muqdisho.
  7. Shaqaallaha in lagu xusho tayo.
Previous Post

Baarlamaanka oo la siin doono warbixin ku saabsan Sharciga Miisaaniyadda Qaranka ee 2022

Next Post

Qof dumar ah oo markii ugu horreysay madaxweyne ku sime ah ka noqotay Soomaaliya

Hassan Istiila

Hassan Istiila

Related Posts

Falanqeyn

Kaalinta haweenka ee howlgallada ka socda dalka (Akhriso: Haddii aan ami jirin hooyo hurdimeyso)

October 4, 2022
Akhriso: War-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh
Falanqeyn

Akhriso: War-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh

September 30, 2022
Soddonkii sannadood ee la soo dhaafay, Itoobiya, Eritrea iyo Somalia W/Q: Nageeye Cali Khaliif
Falanqeyn

Soddonkii sannadood ee la soo dhaafay, Itoobiya, Eritrea iyo Somalia W/Q: Nageeye Cali Khaliif

July 16, 2022
C/Nuur Maxamed: Wasiir Bayle wuxuu ahaa shaqsiga loogu necebyahay dowladda (Akhriso sababta)
Falanqeyn

C/Nuur Maxamed: Wasiir Bayle wuxuu ahaa shaqsiga loogu necebyahay dowladda (Akhriso sababta)

June 30, 2022
Next Post
Qof dumar ah oo markii ugu horreysay madaxweyne ku sime ah ka noqotay Soomaaliya

Qof dumar ah oo markii ugu horreysay madaxweyne ku sime ah ka noqotay Soomaaliya

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo
  • Warar

Links

  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com