• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Falanqeyn

C/Nuur Maxamed: Wasiir Bayle wuxuu ahaa shaqsiga loogu necebyahay dowladda (Akhriso sababta)

Hassan Istiila by Hassan Istiila
June 30, 2022
in Falanqeyn
Reading Time: 2 mins read
0
C/Nuur Maxamed: Wasiir Bayle wuxuu ahaa shaqsiga loogu necebyahay dowladda (Akhriso sababta)

Waxaan maalmahan la socday doodda miisaaniyadda sanadka 2022 oo meel adag maraysa, eedo badanna loo jeedinayo Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle. Balse waxaan idinla wadaagayaa xaqiiqooyinka ku gadaaman eedeymaha loo jeediyay Wasiirka oo ahaa shakhsiga loogu necebyahay, hadda loogu neceb yahay, madax iyo minjaba, gudaha Dowladda sababaha hoos ku xusan iyo kuwa kale oo aan ka tagay awgood;

Wuxuu la kowsaday iyadoo dakhliga dowladda ay soo uruuriyaan shirkado ay leeyihiin siyaasiyiin ka tirsan Dowladda iyo ganacsato saaxiib la ahaa nidaamka. Dhammaan waa uu baabi’iyay, Wasaaraddiisa oo kaliya ayaana hawshii la wareegtay.

Raggii qandaraasyadaas laga qaaday ayaa hadda doonayo inay mar kale dib u hantaan. Taasina waxay u maleeyaan inay ku suurta gali karto in Bayle laga reebo Xukuumadda soo socota. Aragtidaas waa mid raqiis ah sababtoo ah Bayle hadduu tago iyo hadduu joogaba lacag dambe oo ay dowlad leedahay shakhsi iyo shirkad toona qaadi maayaan, waayo nidaamka maaliyadeed ee dalka waa saldhigtay, dusha sare ayaana lagala socdaan.

Maadaama shaqo qorista la joojiyay iyadoo lagu saleynayo in marka hore la adkeeyo xuquuqda kuwa qoran, waxaa jirtay in Xafiisyada Sare ilaa Agaasime Guud in qof walba uu isku dayay inuu qorto shaqaale cusub, oo u badan masuul kasta beshiisa hoose. Shaqaalaas waa kuwa u baahan miisaaniyad cusub. Taasi waxay ka hor imaanaysay nidaamka dib u habeynta hay’adaha maaliyadda iyo ololaha dayn cafinta. Saaxiibadiisa xukuumadda oo idil waa ku kala dhinteen diidmooyinkiisa. Waa sababta maanta loo la’yahay qof ka difaaca dagaalka abaabulan ee ku socda.

Wasiir Bayle waa qof gacan adag oo loo dhiibay khasnad aysan ku jirin dhaqaale badan oo lagu kala furdaamiyo kharashaadka lagu socodsiinayo hawlaha Xukuumadda. Ma uusan lahayn xirfad iyo faham uu ku kala maareeyo dadka dhaqaalaha iyo qandaraasyada faraha badan usoo doonta. Qofkii kala hadla wax mushaar ka baxsan wuxuu kala hor iman jiray ‘Waxba kuuma heli karno ADEER. waraaqaha la noqo.’ Markii uu xilka wareejinayay Madaxweyne Farmaajo, waxaa jirtay dayn dhan $217,000 (Laba Boqol toddoba iyo kun) oo ay Madaxtooyadu gashay sanadihii 2018 iyo 2019, kuwaasoo u badan dib u dhiska Madaxtooyada iyo qalabaynteeda. Si kasta haddii la yeelay waa diiday.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu laabanayo xafiiska kaddib markii laga waayay xanuunka COVID-19

Next Post

Xildhibaanno sheegay in deegaannadooda aan la gaarsiinin mashaariic horumarineed ee ku jirta miisaaniyadda

Hassan Istiila

Hassan Istiila

Related Posts

Falanqeyn

Kaalinta haweenka ee howlgallada ka socda dalka (Akhriso: Haddii aan ami jirin hooyo hurdimeyso)

October 4, 2022
Akhriso: War-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh
Falanqeyn

Akhriso: War-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh

September 30, 2022
Soddonkii sannadood ee la soo dhaafay, Itoobiya, Eritrea iyo Somalia W/Q: Nageeye Cali Khaliif
Falanqeyn

Soddonkii sannadood ee la soo dhaafay, Itoobiya, Eritrea iyo Somalia W/Q: Nageeye Cali Khaliif

July 16, 2022
SPA oo qabatay dood ku saabsan maamulka waxbarashada ee loo daadajiyay gobolka Benadir
Falanqeyn

SPA oo qabatay dood ku saabsan maamulka waxbarashada ee loo daadajiyay gobolka Benadir

August 15, 2022
Next Post
Xildhibaanno sheegay in deegaannadooda aan la gaarsiinin mashaariic horumarineed ee ku jirta miisaaniyadda

Xildhibaanno sheegay in deegaannadooda aan la gaarsiinin mashaariic horumarineed ee ku jirta miisaaniyadda

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo
  • Warar

Links

  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com