Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan guddoomiye ku-xigeenka 1aad, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 31-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada.
Golaha ayaa laga hor akhriyey codsi uu golaha u soo gudbiyey Madaxweynaha Puntland, kasoo ku saabsaanaa in magacaabidda xubnaha garsoorayaasha maxkamadda sare dib loogu dhigo muddo 30 cisho ah.
52 xildhibaan ayaa fadhiday kulanka, iyadoona codsiga ay oggolaadeen 42 xildhibaan, waxaa diidey 6 mudane, halka ay ka aamuseen 8 mudane.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay dhaarinta ay Maxkamadda Rafcaanku dhaarinayso mas’uuliyiinta magacaaban.
Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in dhaarintaasi ay ka hor imaaneyso qodobka 132-aad ee Dastuurka Puntland, oo sheegaya in qof kasta oo xil-sare ka qabanaya maamulka Puntland ay dhaarinayso Maxkamadda Sare ee Puntland.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa faray in mas`uuliyiinta Sare ee Puntland u hoggaansamaan Qodobka Dastuuriga ah ee kor ku xusan.
Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia