• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Latest
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Latest
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Baarlamaanka

Barlamaanka Galmudug oo kordhiyay muddo-xileedka Madaxweynaha iyo hay’addaha dowladda

Kalfadhi by Kalfadhi
September 13, 2022
in Baarlamaanka
Reading Time: 1 min read
0
Barlamaanka Galmudug oo kordhiyay muddo-xileedka Madaxweynaha iyo hay’addaha dowladda

Baarlamaanka dowlad-gobolleedka Galmudug ayaa maanta muddo-xileedka hay’addaha dowaldda ka dhigay shan sano, taas oo hal sano ku kordhineysa muddo-xileedka Madaxweyne Axmed Qoor-Qoor.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa wax-ka-beddel ku sameeynayo qodobada dastuurka ee kala ah 32, 42, 49 iyo 54, kaddib markii 29 xildhibaan ay mooshin wax-ka-beddel loogu sameynayo qodobadaasi ay u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka.

Golaha baarlamaanka ayaa ugu dambeyn cod aqlabiyad leh ku ansixiyay in hay’addaha dastuuriga Galmudug muddo xileedkoodu noqdo 5 sano, halka markii hore uu ahaa afar sano.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa ku biiraya madaxweynayaasha Koonfur-Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland, kuwaas oo min hal sano ku kororsaday muddo xilleedkooda, kaddib markii baarlamaannada maamullada ay wax-ka-beddeleen qodobada qaar ee dastuurka.

Dowladda Federaalka ilaa iyo hadda ma aysan caddeynin mowqifkeeda ku aadan muddo korarsiga madaxweynayaasha dowlad-gobolleedyada sameeyeen, sidoo kale lama ogga doodihii shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee todobaadkan lagu qabtay magaalada Muqdisho in ay kamid ahaayeen muddo kordhinta madaxda.

Siyaasiyiin iyo xildhibaanno kasoo jeeda maamul-gobolleedyada ayaa dowladda Federaalka ku cadaadinayaan inay sharci darro ku tilmaamto go’aannada baarlamaan-gobolleedyada.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Previous Post

Akhriso: War-murtiyeedka shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Wasiirradda maaliyadda dowladda federalka iyo dowlad-gobolleedyada oo gaaray heshiis ku aaddan arrimaha maaliyadda

Kalfadhi

Kalfadhi

Related Posts

Baro Xildhibaankaaga: Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla
Baarlamaanka

Baro Xildhibaankaaga: Xildhibaan Maxamed Cabdalla Xuseen (Shariif)

June 15, 2023
Baro Xildhibaankaaga: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
Baarlamaanka

Baro Xildhibaankaaga: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

June 3, 2023
Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow
Baarlamaanka

BARO XILDHIBAANKAAGA: Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

May 30, 2023
Xildhibaan Cabdullaahi Sanbaloolshe
Baarlamaanka

BARO XILDHIBAANKAAGA – Xil. Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)

May 10, 2023
Next Post
Wasiirradda maaliyadda dowladda federalka iyo dowlad-gobolleedyada oo gaaray heshiis ku aaddan arrimaha maaliyadda

Wasiirradda maaliyadda dowladda federalka iyo dowlad-gobolleedyada oo gaaray heshiis ku aaddan arrimaha maaliyadda

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Latest
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo

Links

  • Latest
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Latest
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com