• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Latest
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Latest
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Baarlamaanka

BARO XILDHIBAANKAAGA – Xil. Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)

Waxaa diyaariyay Cabdirisaaq Cumar Dhoore

Kalfadhi by Kalfadhi
May 10, 2023
in Baarlamaanka, Latest
Reading Time: 2 mins read
0
Xildhibaan Cabdullaahi Sanbaloolshe

(KALFADHI) – Cabdullaahi Maxamed Cali Raage, oo ku magac dheer (Sanbaloolshe), waa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Waxa uu ku dhashay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Buulaburte taariikhdu markii ay ahayd 27, Luulyo 1968.

Sooyaalkiisa Siyaasadda

Sanbaloolshe, waa siyaasi ruugcaddaa ah, diblumaasi iyo xeel-dheere dhanka amniga ah oo caan ka ah Soomaaliya. Waxa uu leeyahay sooyaal siyaasadeed oo dhirirsan muddo labaatan sano ah. Tobankii sano ee ugu dambeysay waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu firfircoon koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Xilalka uu soo qabtay

Waxa uu soo qabtay xilal kala duwan oo isugu jira wasiir, danjire, taliye sirdoon, iyo haatan oo uu yahay xildhibaan federal, kuna fadhiya kursiga uu tirsigiisu yahay HOP#058 ee deegaan doorashadiisu tahay maamul goboleedka Hirshabeelle.

Wuxuu soo noqday Wasiirka Amniga Qaranka ee Dowladdii kumeel-gaarka ahayd sanadkii 2009, xilli Soomaaliya ay ragaadiyeen dhibaatooyin dhanka ammaanka ah. Mar kale ayuu noqday wasiirka lacagta sanadkii 2010. Sidoo kale, waxaa tiro labo jeer ah loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) sanadihii 2014 iyo 2017. Waxa uu sidoo kale soo noqday Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalalka Ingiriiska sanadkii 2013 iyo Turkiga oo uu safiir ka ahaa sanadkii 2015.

Si kastaba ha ahaatee, kaddib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Sanbaloolshe waxa uu ka mid ahaa xildhibaannada safka hore uga jira dagaalka Al-Shabaab isaga oo ka qaatay kaalin abaabul, qorsheyn iyo hagidda dadka deegaanka. Waa siyaasi aad looga qaddariyo deegaan-doorashadiisa iyo guud ahaan fagaareyaasha siyaasadda ee Soomaaliya.

Waxa uu caan ku yahay oraahdiisa qayaxan, xirfaddiisa kicinta dadweynaha, galaangal siyaasadeed iyo hal-adeygiisa mawaaqifta siyaasadeed ee uu u istaagayo.

Xildhibaan Cabdullaahi Sanbaloolshe waa xubin ka mid ah Golaha Fulinta ee Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ee uu hoggaamiyo madaxweynaha xilligan talada haya ee Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale, waa Xoghayaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee xisbiga.

Previous Post

Doodda Kalfadhi: Haweenka Soomaaliya iyo hoggaaminta ay mudan yihiin ee siyaasadda

Next Post

Khilaafka dowladda dhexe iyo Puntland saameyn maku yeelan karaa hannaanka deyn cafinta Soomaaliya?

Kalfadhi

Kalfadhi

Related Posts

Dood-Furan Kalfadhi Twitter Space
Falanqeyn

Dood Furan: La-dagaallanka musuqmaasuqa iyo kobcinta dowlad-wanaagga

June 30, 2023
Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux
Falanqeyn

Maxaad ka taqaannaa shaqada Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka?

June 26, 2023
Khudbadaha Naceybka (Hate Speech)
Falanqeyn

Khudbadaha Naceybka (Hate Speech)

June 26, 2023
Hoggaamiyaha aan u baahannahay!
Latest

Hoggaamiyaha aan u baahannahay!

June 26, 2023
Next Post
Deyn-cafinta Soomaaliya

Khilaafka dowladda dhexe iyo Puntland saameyn maku yeelan karaa hannaanka deyn cafinta Soomaaliya?

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Latest
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo

Links

  • Latest
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Latest
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com