(KALFADHI) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, wuxuu ku dhashay magaalada Buulobarte ee gobolka Hiiraan dhamaadkii sanadkii 1968.
Deegaan-doorashadiisu waa Galmudug. Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa lagu doortay 14-kii Febaraayo ee sanadkii hore 2022. Kursiga tirsigiisu uu yahay HOP#138 ayuu ku fadhiyaa.
Xildhibaan Cabdiraxmaan waa Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha. Sidoo kale waa hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.
Waxbarashada aasaasiga ah
Waxbarashadiisii hoose, dhexe & sare wuxuu ku qaatay Buulaburte, labadii sano ee gurmadka qaran ayuu ku qaatay magaalooyinka Buulaburte iyo Jalalaqsi, dhammaadkii siddeetamaadkii. Sanadkii koowaad wuxuu macallin ka noqday dugsiga sare ee Jalalaqsi, halka sanadkii labaad uu ku qaatay xeryaha milateriga.
Wuxuu Muqdisho u soo aaday imtixaankii oggolaashaha ee jaamacadda, balse kama mid noqon ardaydii la qaatay.
Sanadkii 1994 ayuu waxbarasho jaamacad u aaday dalka Suudaan. Sanadkii 1997 ayuu ka qallin-rogtay heerka koowaad ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika, taaso ku taalla magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan. Wuxuu bartay sharciga.
Sanadkii 2002 ayuu heerka labaad uga baxay Jaamacadda Qaranka Malaysia (UKM). Wuxuu ku takhasusay Comparative Federalism. Machadka Hoggaanka iyo Maamulka ee London ayuu ka diyaariyay koorsooyin la xiriira hoggaanka iyo maamulka, xallinta khilaafaadka, dhismaha nabadda iyo xiriirka istaraatiijiyaadka.
Shaqooyinkiisa (Siyaasadda ka hor)
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuxuu ka soo shaqeeyay arrimaha samafalka, isagoo sarkaal sare iyo madaxba kasoo noqday Wakaaladda Muslimiinta Afrika, Mu’asasada Sheekh Zaa’id Foundation & Hay’atul Culyaa.
Wuxuu xubin firfircoon ka ahaa dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Soomaalida ku nool Ingiriiska, sida uu xildhibaanku u sheegay Kalfadhi.
Sanadkii 2008 wuxuu ka mid ahaa aasaaseyaashii kooxdii Somali Concern Group. Wuxuu qeyb ka ahaa shirweynihii qurbajoogta Soomaaliyeed (Somalia Diaspora Conference) oo markii dambe kaalin muuqata ku lahaa shirkii dib-u-heshiinta ee dalka Jabuuti.
Sanadihii 2004 – 2007 wuxuu hoggaan u soo noqday xarunta islaamiga ah ee waqooyiga London, ahna xarunta saddexaad ee ugu weyn dalka Ingiriiska. Sida uu sheegay wuxuu xilligaas dowr la aqoonsaday ka qaatay la-dagallaanka fikirka xagjirka, isagoo dedaal xooggan ku bixiyay xoojinta is-dhex-galka bulshada.
Wuxuu ka soo shaqeeyay saxaafadda, isagoo aasaase, qore iyo tifaftire ka soo noqday Goobjoog iyo majalladda Hiraal.
Wuxuu 10 sano xubin joogto ah ka ahaa xarunta daraasaadka xiriirka dowliga ah ee Chatham House.
Cabdiraxmaan iyo Siyaasadda
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuxuu siyaasadda ka soo muuqday sanadkii 2007. Wuxuu xubin muhiim ah ka noqday hoggaanka ururkii Dib-u-xoraynta Soomaaliya {Alliance for the Re-liberation of Somalia – ARS}, isagoo loo doortay guddoomiye ku-xigeenka Golaha Dhexe ee ururkaas.
Sanadihii 2008 – 2009 wuxuu kaalin ku lahaa shirkii dib-u-heshiisiinta ee lagu qabtay dalka Jabuuti, kaasoo dhexmaray Isbahaysigii Dib-u-xoraynta iyo Dowladdii Kumeel-gaarka ahayd, laguna soo dhisay dowladdii madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. Wuxuu ahaa madaxii wada-xaajoodka (Chief Negotiator) ee Isbaheysiga.
Sanadkii 2009, Cabdiraxmaan wuxuu xildhibaan ka noqday Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya. Sidoo kale, sanadkii 2009 waxaa loo magacaabay Wasiirka Qorsheynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumaddii Raysul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Sida uu Kalfadhi u sheegay Cabdiraxmaan intii uu wasiirka ahaa wuxuu qayb ka ahaa soo hoynta guulo diblomaasiyadeed oo ay Soomaaliya gaartay. Wuxuu markii ugu horraysay shir-guddoomiyay mudo 20 sano ah kaddib shirka Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay dalka Masar.
Sanadkii 2012 xildhibaan Cabdiraxmaan wuxuu noqday la-taliyaha dhanka Siyaasadda ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Wuxuu hormuud ka ahaa shirkii London ee 2013, isagoo mas’uul ka ahaa abaabulka iyo diyaarinta ajendaha iyo qorsheyaasha shirka.
Wuxuu la-taliye dhanka siyaasadda ah u noqday xilliyo kala duwan labo ergay oo uu Xoghayaha Qaramada Midoobay u soo magacaabay Soomaaliya; kuwaasoo kala ah Danjire Nicholas Kay iyo Michael Keating.
Sanadkii 2016 Xildhibaan Cabdiraxmaan wuxuu aasaasay xisbiga Wadajir oo sida uu sheegay u taagan dhismaha dowlad casri ah oo ku dhisan sarreynta sharciga, xoojinta dhaqanka madaniga ah ee ku dhisan dimuqoraaddiyadda iyo xaqsoor caddaalad ah. Muddo kaddib waxaa loo doortay hoggaamiyaha xisbiga.
Sanadkii 2017 wuxuu ka mid ahaa murashaxiintii u tartantay xilka madaxweynaha Soomaaliya. Wuxuu ka mid noqday murashaxiintii ku haray wareegggii 1-aad ee doorashada, isagoo helay 9 cod.
Weerar lagu qaaday xarunta Xisbiga Wadajir, 17-kii Diseembar 2017, ayuu ku dhaawacmay, xilligaas oo xarunta ay ku shirayeen xubno ka tirsan xisbiga. Sida uu sheegay Cabdiraxmaan weerarkaas waxaa ku dhintay shan ka tirsan ilaaladiisa.
Sanadihii 2017 – 2022, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu ahaa mucaarad si weyn u dhaliila dowladdii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo wixii ka dambeeyay 2020 ka mid noqday Midowgii Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.
Mar kale ayaa 14-kii Febaraayo sanadkii 2022 magaalada Dhuusamareeb loogu doortay Xildhiban Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ah.
Sanadkii 2022 wuxuu mar kale u tartamay xilka madaxweynaha Soomaaliya, wareegga koowaad ayuu ku haray isagoo helay 15 cod.
Bishii May sanadkii 2022 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame u magacaabay Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabbilsan gurmadka abaaraha.
“Dedaalkii aan gar-wadeenka ka ahaa 12-kii bil ee la soo dhaafay ayaa fududeeyay in uu caalamku ku soo jeesto abaaraha baaxadda leh ee dalka ka jira, waxaana wadajir looga hortagay macluul sanadkii hore la saadaalinayay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame wuxuu ku jiraa Guddiga Xaqiiqo-raadinta, Dib-u-heshiisiinta iyo Hanti isu-celinta.
Dadka yaqaanna ayaa ku tilmaama siyaasi waayo-aragnimo durugsan u leh siyaasadda dalka, faham xoogganna ka heysta xiriirka dalalka Galbeeedka, Carabta iyo Afrika.
Discussion about this post